South Africa Ma Moogin (Mudaharaad).

0

AMO1Hadii aad taariikhda dib u eegto dowladii Soomaaliya ayey ahay dowladii ugu horeysay ee siisa xafiis xisbiga ANC ee koonfur africa halkaa kaliya kuma ayaysan joojine Soomaaliya waxay ahayd dowladihii africa ugu codka dheeraa ee u ololaynesey in gumeysiga laga qaado Koonfur Africa.

amo

Dhanka kale waxaa door weyn ka qaatay shacabka Soomaaliyeed iyagoo Suugaan ahaan kusoo bandhigeyey gabayo iyo heeso dhiiro gelineyey in Koonfur africa xoroowdo, waxaan ka xasuustaa (hadal iyo Murtidi waa Afrikaay ismaqaloo Midab gumeeysi Diida) waxaa kaloo taariiqdu sheegtay in dowladii siyaad bare ay taageero dhaqaale siin jirtey gobanimadoonkii xisbigii ANC oo hada tallada wadanka haya.

Waa tii la yiri abaal nin galaa badan nin gudaase yare koonfur africa abaal ay noo gudo daaye, gunimada ay ulla dhaqantay shacabka Soomaaliyeed ee martida u ah oo ilaahey Kasakoowna iyaga magantooda ah ayaa waxay noqonaysaa arin gasha taariiqda wixii lagula kacayna inaysan Soomaalidu Ilaawi doonin.waa balan.

Iyadoo ay jireen sida warbixinaha qaarkood qoreen dad gaaraya boqolaal qof oo gardaro lagu dilay oo ilaa hada aan midkoodna cidna loo xirin, ayaa arinta Waxuushnimada ah ee kadhacday koonfur africa sabtigii 01/06/13 waxay tahay mid biniaadinimada kabaxsan, noqotayna mid gil-gishey quluubta Soomaaliyeed , dadbadan oo Soomaaliya oo aan anigaygan warqada qorayana indhahooda ilmo gobo ! katiri.

maalin un baan la xisaabtami doonaa Koonfurafrica laakiin waxaan warqadaan fariin ugu dirayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee koonfur Africa ka ganacsata, waxaan leeyahay walaalayaal kala baxa maalkiina oo ganacsigiina geeya dhulkeenii ,waa sida kaliya oo loo dareensiin karo inaanay Soomaalidu GUN ahayn aysana udulqaadanayn. gefka, dhaca, boobka iyo bahdilka joogtada ah.

Haadaanu maalkeena gashanon wadankeena , nabadu waa imaanaysaa mar walbana lagama yaabo wixii sabtigii dhacay iyo wax u dhow toona inay Soomaaliya ka dhacaan, ee Aaamina ciida hooyo keensadana hantidiina.
AMO1

Ugu danbeyntii, waxaan baaq u dirayaa qurbe Joogta jooga wadanmada reer galbeedka ah waxaana leeyahay ka faaiideeysta dimoqraadiyadaan aad joogtaan Muujiya dareenkiina, tabeelayaal qaata kana dhiidhiya ducuufnimada koonfur africa balankeenu waa sabtida soo socota oo ay taariikhdu tahay Juun 8, 2013 iyo mudaharaadyadan hoos ku qoran oo laga qayb qaato:

UK

… 7 & 8 June 2013

… South African High Commission South Africa House

Trafalgar Square London WC2N 5DP Contact: 07939326831 Abukar Awale 07956651659 Hiirad 07956934449 Duale

USA

Friday 7 & 8 June 2013 State Capital St. Paul, MN Contact: Sadik Warfaa & maamulka Jaaliyada Soomaaliyeed ee Minnesota

# BELGIUM

Friday/Saturday 7 & 8 June 2013 Safaarada South Africa ee Brusells Full info coming soon Contact: Ahmed Kediye

# SWEDEN

Friday/Saturday 7 & 8 June 2013 Safaarada South Africa ee Stockholm

Salaama Caleykum Wixii dhiig lahoow kaca Abukar Awale (qaad diid )

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com