Caabudwaaq(AGGM) Maamuladda Degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa maanta ka warbixiyey nin gacan ku dhiigle ah oo ciidamada amaanka caabudwaaq gacanta ku soo dhigeen ka dib markii uu diley nin kale oo isla shacab ah isla markaasna ku diley duleedak magaalada caabudwaaq.
Gudoomiyaha Degmada Caabudwaaq ee dawlada federaalka ah ee soomaaliya Axmed Jaamac Dhilif ayaa sheegey in ciidamada amaanka ee ku sugan duleedka caabudwaaq gacanta ku dhigeen ninkaasi oo dil lama filaan ah ka geystey degaanka Laamoweyne ee duleedka magaalada caabudwaaq.
Sidoo kale gudoomiyuhu waxaa uu daboolka ka qaaday in dilkaasi u dhacay si lama filaan ah isla markaasna labada nin ee is diley ay iska shakiyeen rasaasna isweydarsadeen sidaas darteedna uu mid ka mid ah geeriyoodey,waxaana uu sheegey inay gacanta ku soo dhigeen ninkii dilka geystey isla markaasna hadda ku hayaan saldhiga degmada Caabudwaaq.
Ninkan la dilay ayaa ka soo jeeda degaanka Ximan Iyo Xeeb,waxaana uu sheegey gudoomiyaha degmada Caabudwaaq in labada maamul oo garab ka helaya labada waxgarad ee degaanadaasi ay ka wada hadli doonaan dilkan iyo dilal dhawaan ka dhacayey qaybo ka mid ah gobolka Galgaduud oo u dhexeyey dad shacab ah oo reer miyi ah.
Ugu dambeyntiiw axa dilkan maanta ku soo aadayaa xilli dhawaan dabley ka soo jeeda degmada Cadaado nin Wadaad ah ku dileen duleedka degmada Dhabad ee gobolka galgaduud iyadoo dableydii dilkaasi geysatey baxsatay,waxaana wali soo qabashada dableydaasi ku mashuulqsan maamulka Ximan Iyo Xeeb.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com