Somaliland Oo Mamnuucday Dullimaadyada QM Kadib Markii Maamulka Hawada Soomaaliya Lagu Wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

0

somaliland1Hargeysa (AGGM): Kadib markii dhawaan kulan ka dhacay magaalada Muqdisho QM si toos ah ugu wareejisay maamulka isticmaalka hawada Soomaaliya dowladda federaalka, ayaa waxaa arintaa siweyn uga carooday maamulka Soomaaliland, oo sheegay in ay si ku-meel-gaar ah uga mamnuuceen diyaaradaha QM deegaannada ay maamulaan.
Wasiirka duulista hawadda Somaliland Maxamuud Xaashi ayaa sheegay in bari laga bilaabo uu joojiyey duulimaadyadii Qaramadda midoobay ay ku imanayeen Somaliland, isla markaana aanu marnaba yeelayn in cashuurtii hawadda loo wareejiyo Soomaaliya.
Waxaa uu wasiirrku gaf iyo dulmi cad ku sheegay in QM si toos ah gacan ugu galliso maamulka hawada Soomaaliya dowladda federaalka, isaga oo sheegay in taasi ay muujineyso in QM ay ka baxday dhax dhaxaadnimadii.
”Waxaa rabaan in aan halka si cad uga sheegay laga bilaabo maanta 15 bisha May, diyaaradaha QM nooc kasta oo ay yihiin laga mamnuucay deegaannada Soomaaliland, kuma soo dagi karaan, kuwa hadda fadhiyana kama duuli karaan ilaa iyo amar danbe,” ayuu yiri wasiirrka.
“La wareegidaasi cashuuraha hawadda sare ee dhulkii la isku odhan jiray Soomaaliya wuxuu dhaawacayaa heshiishkii aanu ku heshiinay Somaliland, Soomaaliya iyo hay’adda Qaramadda midoobay u qaabilsan hawadda sare” ayuu yiri wasiirrka duulista hawada Soomaliland.
Kulan maalin ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa si toos ah gacanta loogu galliyay dowladda federaalka in ay maamusho wixii ka danbeeya xiligan hawada Soomaaliya oo 22 sano  ee la soo dhaafay gacanta ku hayeen hay’addo ka tirsan QM.
Wasiirrka ayaa sidoo kale  sheegay in ay awooda u leeyihiin inay mamaulaan diyaaradah iyo hawadaba “ awood baanu u leenahay aanu ku maamulan karno diyaaradaha iyo hawadda, waynu is ognahay oo soomaaliya iyagu waxa madaarada u maamula shirkaddo kale oo iyagu awoodaas ma laha”
Lama oga sida ay QM uga jawaabi doonto go’aanka ka soo baxay Soomaliland, iyadoo la og-yahay in maalin kasta tagaan deegaannada Soomaaliland diyaaradaha QM oo howlo shaqo u taga.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com