Guddigii Dowladda Soomaaliya Ay U Xilsaartay Arrimaha Jubbooyinka Oo Ka Warbixiyay Halka Ay Wax U Marayaan *Daawo Muuqaal*

0

alankeeyKismaayo (AGGM):Gudigii ka koobnaa 16-ka xubnood ee dowladda Soomaaliya u magacoowday arimaha Jubooyinka, mudooyinkii u danbeeyayna ku sugnaa magaalada Kismaayo ayaa ka warbixiyay halka ay u marayaan kulamo maalmihii u danbeeyay ay la lahaayeen waxgaradka iyo odoyaasha kasoo jeeda Jubooyinka.

Xildhibaan C/laahi Yuusuf Xasan (Alankey) oo ka mid ah gudiga oo isagoo ku sugan Hotel Cascaseey ee magaalada Kismaayo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay meel wanaagsan u marayaan howlihii ay dowladda Soomaaliya usoo xilsaartay, isagoona xusay in ay kulamo la qaateen odoyaasha beelaha dega Jubooyinka, saraakiisha ciidamada, ururrada bulshada rayidka iyo weliba qaar kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda Juboooyinka.

Masuulkan ayaa sheegay in ujeedada ay u yimaadeen magaalada Kismaayo ay ahayd sidii shir dib u heshiisiin ah loogu qaban lahaa beelaha dega Jubooyinka, wuxuuna tilmaamay in shirarkii ka dhacay magaalada Kismaayo iyo weliba doorashooyinkii madaxweeynayaasha sheeganaya Jubbaland ay ahayd mid aan waafaqsanayn sharciga iyo qaanuunka u yaal dalka.

Xildhibaan ayaa sidoo kale sheegay in ilaa imika aysan jirin wax kulamo ah oo ay la qaateen afarta madaxweeyne ee sheeganeeysa hogaanka Jubbaland, isagoona intaa ku daray in aysan jirin cid ay u aqoonsanyihiin madaxweeynenimada Jubbaland.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com