Kismaayo (AGGM) Iyadoo degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda Joose ay ka jiraan cabsi dagaal oo u dhexeysa ciidamada dawlada iyo kuwa Jabhadda Raaskambooni,waxaa haddana degmada kismaayo xaafadaheeda ka socda banaan baxyo ay wadaan dhinacyada ku hardamaya siyaasadda gobollada Jubooyinka isla markaasna qaarkood ku muujinayaan tageeradda dawlada soomaaliya ay u hayaan iyo kuwa kale oo diidan dawlada soomaaliya siyaasadeeda gobollada Jubooyinka.
Bananbaxayaashan ayaa goobo cayiman ka kala banaan baxaya waxana qayb kastaa banaan baxeedu ku kooban yahay degaanada ay maamusho,waxaana dhinacyadaasi wadaan arrimo kala duwan oo ku aadan in koox kastaa awoodeeda shacab muujineyso isla markaasna ay ku muujinyaan waxyaabaha ay diidan yihiin iyo waxyaalaha ay rabaan.
Dhinaca kale Sarkaal u hadlay cidamada dawlada soomaalyia oo lagu Magacaabo Col Buule oo saxafada la hadlay ayaa hanjabaad u jeediyey Saraakisha ciidamada Raaskambooni,waxaana uu sheegey inay talaabo adag ka qaadi doonaan hadii ay sii wadaan arrimaha looga soo horjeedo dawlada soomaaliya,waxaana uu xusay ion talaabadaasi noqon doono mid dagaal oo ay Raaskambooni magaalada kaga bixinayaan.
Sidoo kale dhinac kale ee Jamhadda Raaskamboni waxaa ka soo baxaya hanjabaado kuwaasi oo kale,waxaana jamhabadaasi walaac xoogan ku abuureen shacabka ku dhaqan gobollada Jubooyinka taasi oo ay ka cabsi qabaan in ciidamada ku wada sugan kismaayo dagaalamaan isla markaasna khasaare ka dhasho shacabka soo gaaraa.
Gebagabadii waxaa allow sahal ah xaalada magaalada Kismaayo oo u muuqata mid aan gafeyn dagaal taasi oo laga dareemayo kooxaha kuwa sugan magaalada kismaayo oo kala aaminsan siyaasado kala duwan,lama sadaalin karro xaalada magaalada kismaayo meesha ay cago dhigan doono.
Cawil Salebaan Gurxan
Kismaayo,Jubadda hoose
Isha Ku Hay Allgalgaudud
Allgalgaduud@gmail.com