Buulo Mareer Oo Ay Ku Burburtey Diyaarad Ah Nooca Aan Duuliyaha Lahayn

0

mmw-drone-111611Muqdisho (AGGM) Duleedka Degaanka Buulo Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa la sheegaya in maanta ay ku soo dhacday diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah oo aan la aqoonsan wadanka laga leeyahay,waxaana arrintaasi fajiciso ku noqotey dadka reer guuraga ah ee degaankaasi ku dhaqan.

Diyaarad ayaa la sheegey inay hawada sare ee duleedka degaanka Buulo Mareer saaka lagu arkayey iyadoo dul haadaysa,waxaana dadka degaanku sheegeen in diyaaradaasi ay soo dhacday isla markaasna aysan wax dhibaato ah geysan,waxaana la aaminsan yahay in diyaaradaasi ay ka soo duushay maraakiibta shiisheeye ee taagan xeebaha dalka soomaaliya.

Degaanka diyaaradan bilaa duuliyaha ahi ku soo dhacday ayaa ah degaan Hawd ah isla markaasna wax ka yar 5 km u jirta degaanka Buulo Mareer,waxaana dadku degaanku sheegeen in diyaaradaasi qayb ka tahay diyaaradaha wax basaasa ee dawladaha reer galbeedku leeyihiin isla markaasna ay kula dagaalamaan falaagada Alshabaab.

Waxaa halkaasi gaarey sida la sheegey in goobta diyaarahaasi ay ku dhacday ay ka baxayso Qiiq madaw isla markaasna ay halkaasi gaareen cutubyo ka tirsan falaagada Alshabaab,waxaana la sheegey inay isku gadaameen degaankaasi isla markaasna ay shacabka u diideen inay diyaaradaasi u dhawadaan.

Lama yaqaan wadanka diyaaradaasi laga leeyahay balse waxaa la aaminsan yahay inay qayb ka tahay diyaaradaha reer galbeedku ku ugaarsadaan  madaxda sar sare ee Alshabaab,waxaana loo malaynayaa inay leeyihiin wadamada Britain, USA Iyo  France oo dagaal adag kula jira Alshabaab.

Ugu dambeyntii ma jiraan cid ka tirsan madaxda Alshabaab oo ka hadlay soo dhicitaanka diyaaradaasi,waxaana lagu wadaa inay diyaaradaasi cilad farsamo ay la soo dhacday isla markaasna aanay jirin cid soo riday iyadoo hadda ka hor degaanadaasi ku soo dhaceen diyaarado nooca wax basasa ah oo ay leeyihiin wadamada reer galbeedku.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com