Dawladda Kiiniya Oo Bedeshay Mawqifkeedii Ku Aadanaa Tageerada Axmed Madoobe

0

Colonel-Cyrus-Oguna-of-the-Department-of-DefenceNairobi(AGGM) Muddo bil ka yar baa laga joogaa markii afhayeenka ciidamada dawlada kiiniya  Crust Onguna oo hambalyo u soo direy Axmed Madoobe oo ku dhawaaqay inuu yahay Madaxweynaha Jubbaland,waxaana arrintaasi ka dambaysay war cusub oo u xalay siiyey wargeyska The Standard ee dalka kiiniya ka soo baxa,waxaana uu maanta sheegey inaysan jirin cid ay dawlada kiiniya tageersan tahay marka laga hadlayo maamullada looga dhawaaqey Kismaayo.

Curst Oguna waxaa uu si cad u sheegey inaysan tageereyn maamullada looga dhawaaqay kisamayo,waxanaa uu sheegey inay dhex dhexaad ka noqoneyaan xaaladaha ka taagan magaalada kismaayo,waxaana uu sheegey inay qaabkooda nabad ilalainta ku joogaan kismaayo isla markaasna aysan tageereyn kooxaha isku haya siyaasada magaalada kismaayo.

Dhinaca kale waxa uu jawaab ka bixiyey eedeymo maalmahan uga imaanayey madaxda dawlada soomaalyia kuwaasi oo ku aadanaa in ciidamada dawlada kiiniya dhibaato ka wadaan gudaha kismaayo isla markaasna la safan yihiin mid ak mid ah dhinacyada kismaayo isku haya,waxaana uu xusay inaysan tageersaneyn dhinac ka tirsan kooxaha kismaayo isku khilaafsan.

Hadalkan waxaa uu ku soo beegmaya  xilli uu madaxweynaha soomaaliya kulankii IGAD uu eedeyn uga jeediyey  dawlada kiiniya iyadoo uu Madaxweynaha dalka kiiniya Uhuru Kenyatta oo ku sugnaa kulankaasi,waxaana sidoo kale hadalkan imaanayaa xilli uu  madaxweynaha dalka kiiniyaUhuru Kenyatta magaalada nairobi xalay ku laabtey taasi oo laga yaabo  inay wax badan ka bedeshay arrimihi jubooyinka.

Sidoo kale Jariirada The Standard waxay shaacisay inay  dawladaha Kiiniya iyo Itoobiya ku fashilmeen siyaasadoodu ku aadaneyd inay gobollada jubooyinka ka dhisaan maamul ay saaxiib la yihiin isla markaasna danahooda ku fushadaan,waxaana jaraaid ku sheegey in arrimaaha goboladaasi looga dambeyey dawlada soomaaliya oo si kulu uga hadashay fara gelinta ciidamada kiiniya ee ku sugan magaalada kismaayo.

Ugu dambeyntii Taalabadan ayaa la dhihi karaa waxay bedehsay mawqifkii Axmed Madoobe iyo kooxdiisa ee ku aadanaa inuu yahay madaxwene,waxaan lagu wadaa inuu Axmed Madoobe bisha soo socota bilowgeeda uu gaaro magaalada muqdisho oo uu ka dhici doono Shir muhiim ah oo lagu dhisayo Maamul cusub oo gobollada jubooyinku yeeshaan.

Halkan ka Akhri Warbixinta Jaraa’idkaasi Ee Afhayeenka Ciidamada Kiiniya Bixiyey:

Halkan Guji Kana Akhriso Warbixinta Jaraa’idkaasi Ee Afhayeenka Ciidamada Kiinya.

Isha Ku Hay Allgladuud

Allgalgaduud@gmail.com