Odayaal Dhaqan Iyo Siyaasiyiin Cambaareeyey Aflagaadeyntii Dowladda Puntland Ee Gen.Cadde Musse.

0

cade muuse 1Qardho (AGGM): Waxaa isa soo taraya cambaareyn ka imaaneysa qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland oo dowlada Puntland ku cambaareenaya eedayntii ay usoo jeediyeen Madaxweynihii hore ee Puntland Gen.Cadde Musse.

Kadib shirkii jaraa’iid oo uu Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumada Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Faroole uu todobaadkii tagay kasoo saaray eedeynmo la sheegay inay xukuumada ku eedaynayso Madaxweynihii hore ee Puntland Gen.Cadde Musse oo hada ku sugan magaalada Qardho.

Dhamaan issimada gobalada maamulka Puntland ayaa maalmihii lasoo dhaafay xiriiro kala duwan ay la sameeyeen Madaxweynihii hore ee Puntland Cadde Musse raali gelin uga bixiyey aflagaadadii uga timid dhinaca xukuumada.

Madaxweynihii hore Maxamuud Muse Xirsi (Gen.Cadd Musse) ayaa isagu ka gaabsaday inuu jawaab wakhtigan ka bixiyo eedaynmaha uga timid xukuumada Faroole, xubno ku dhaw dhaw Madaxweynihii hore ayaa Warbaahinta usheegay in Issimada Puntland ka codsadeen Gen.Cadde inuusan xiligan jawaab ka bixin hadalada qalafsan ee loo soo mariyey Wasiirka Warfaafinta.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta deegaanada Puntland ayaa arrimaha ku tilmaamay mid ay ku khaldan tahay xukuumada, iyagoo sheegay in Madaxweynihii hore ee Puntland uu qeyb ka qaatay xasilinta deegaanada Puntland oo ay ugu danbeysay xiligii sida weyn la isugu qabsaday muddo korosiga xukuumada Faroole.

Waxaa horey warbaahinta ulla hadlay qaar kamid ah Nabadoonada Puntland iyo waliba siyaasiyiin kuwaasi oo maalin kadib cambaareeyey shirkii jaraa’iid ee uu qabtay Wasiirka Warfaafinta arbacadii lasoo dhaafay.

Yassin Cartan Maxamed oo kamid ah La taliyayaasha Madaxweynaha Puntland horeyna usoo ahaa Wasiir kuxigeen ayaa ku tilmaamay hadaladii Wasiirka Warfaafinta kuwo meel ka dhac ku ah Madaxweynihii hore iyo waliba sumcad xumo usoo jeediya xukuumada talada heysa.

Cabdulqaadir Axmed Ibraahim oo kamid ah Nabadoonada gobalka Bari ayaa sidoo kale ku tilmaamay eedeynta dowlada mid runta ka fog isla markaana sheegay in Madaxweynihii hore ee Puntland uu yahay nin wax badan ka shaqeeyey midnimada iyo nabadeynta deegaanada Puntland.

Shacabka deegaanada Puntland ayaa si weyn la yaab ugu noqotay hadalada kasoo yeeray wasiirka warfaafinta, wallow aysan ahayn markii ugu horeysay oo hadalo noocaan ah kasoo baxaan dhinaca xukuumada oo wakhtigan weli xal u weysay arrimaha gadoodka mushaharaadka ciidamada ka maqan, xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay doorashada dowladu sheegtay inay qaban doonto oo xiligan laga diidan yahay deegaanada Puntland in laga galo maadaama aysan jirin wax diiwaangelin ah iyo arrimo kale oo is biirsaday.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com