Muqdisho(AGGM) Ciidamada xooga dalka soomaaliya ayaa maanta soo bandhigey maydadka ciidamo ka tirsan Alshabaab kuwaasi oo ay ku dileen wadada isku xirta magaalada Muqdisho Iyo Baydhabo,waxaana ciidamadan Alshabab ee ciidamada dawladu dileen la sheegey inay ku labisnaayeen direyska ciidamada xooga dalka.
Sarkaal ka tirsan ciidamada dawlada ee hawlgalkaasi fuliyey ayaa sheegey inay direyska u xirteen kooxda Alshabaab inay ku dhibaateeyaan shacabka soomaaliyeed isla markaasna dawlada ku eedeyaan inay ciidamada dawladu falalkaasi ay geysteen,waxaana sarkaalkaasi sheegey in hawshaas ay maanta fashiliyeen isla markaasna maydkooda soo bandhigeen.
Saraakiil ka tirsan Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo howlgalkan hogaamineysay ayaa u sheegay Saxafada in howlgalkan uu ku socdo si guul ah islamarkaana uusan joogsan doonin ilaa inta wadadaasi laga nadiifiyo haraadiga maleeshiyaadka argigixisada ah ee Al-Shabaab.
Sidoo kale sarkaalkan waxaa uu sheegey inay gacanta ku hayaan hubkii ay wateen ciidamada Alshabab,waxaana uu xusay sarkaalkaasi in ciidamada xooga dalku ay fariisimo ka sameysteen meelo badan oo u dhexeya Magaalada Muqdisho iyo Baydhabo,waxaana uu ku hanjabay inay talaabo adag ka qaadi doonaan cid kasta oo isbaaro dhigata wadada u dhexeysa Muqdisho & Baydhabo.
Ugu dambeyntii ma jiraan cid ka tirsan Masuuliyiinta Alshabaab oo ka hadlay dilka ciidamadooda loo geystey,waxaana hawlgalkan imaanaya xilli ciidamada dawladu hawlgallo culus ka wadeen wadooyinka isku xira Muqdisho Iyo Baydhabo.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com