Faalagada Alshabaab Oo Dad Rayid Ah Ku Xasuuqay Duleedka Jowhar

0

SOMALIA MILITIAMuqdisho(AGGM) Kooxda Alshabaab ayaa la shaacinaya inay saacadihi la soo dhaafay ay duleedka magaalada Jowhar ku dileen 6 ruux oo shacab ah kuwaasi oo la sheegey inay dhamaantood ahayeen dad shacab,waxaana dilkaasi ka dhacay meel 15 km u jirta degmada Jowhar ee gobolka Shabeelaha dhexe.

Dhamaan dadkan ayaa la sheegaya inay ahayeen dhalinyaro beeralay ahaa isla markaasna aan wax lug ah ku lahayn siyaasadada  ka taagan gudaha dalka soomaaliya,waxaana dilkaasi sida la xaqiijiyey fuliyey Koox dhalinyaro ah oo ka tirsan Alshabaab,dilkan ayaa la sheegayaa inuu aha mid arxan darro ah.

Eheladda dadkaasi ayaa daboolka ka qaaday in dhamaan dadkaasi ahayeen beereley isla markaasna ay ku hawlanayeen sidii ay beerahooda u falan lahayeen xilligan oo ah xilli roobaad,waxaana ay sheegeen inaysan dawlada soomaalyia iyo Alshabaab midna aysan ka tirsanaan jirin balse dilkan ahaa mid Alshabab si bareer ah u dileen.

Ma Jiraan wax ka wara oo ka soo baxay Kooxda Alshabaab ee dilkaasi fulisay,waxaana dilkan la sheegey inuu qayb ka yahay dilalka kala duwan ee Alshabaab ka geystaan degaanada soomaaliya,waxaana dilkan si weyn u cambaareyey dhamaan waxgaradka gobolka Shabeelaha dhexe,waxaana sheegeen in dilkaasi yahay mid aad looga naxo isla markaasna ah xasuuq.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com