Madaxweyne Xasan Shiikh Oo Kulamo Isdaba Joog Ah Ku Leh Nairobi

0

uhuru-and-hassan-3Nairobi(AGGM) Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa xalay fiidkii soo gaarey magaalada nairobi ee caasimadda dalka kiiniya,waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhawayey Madaxweynaha dawlada Kiiniya Uhuru Kiiniyaata,waxaana la sheegey inay kulan hor u dhac xalay yeesheen.

Madaxweyne Xasan Shiikh Iyo dhigiisa dalka kiiniya ayaa la sheegey inay maanta kulan kale yeelanayaan oo ay kaga wada hadli doonaan xaalada ciidamadda dawlada kiiniya ee ku sugan gobolka Jubadda hoose gaar ahaan magaalada kismaayo,waxaana kulankaasi lagu wadaa inay natiijo ka soo baxdo.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa inuu madaxweynuhu isla maanta kulan muhiim ah la qaato safiiradda wadamadda reer galbeedka u fadhiya magaalada nairobi isla markaasna kala hadli doono arrimo badan u ku saabsan sidii dawladahoodu dalka soomaaliya dib u dhiskiisa uga qayb qaadan lahayeen.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa la shaacinayaa inuu wadamo qorshe ka dhan ah Maamuladi dhawaan loga dhawaaqay magaalada kismaayo isagoo lagu wado inuu arrimahaasi si xoog leh ugala hadlo dawlada kiiniya gaar ahaan madaxweynaha dalkaasi kiiniya Uhuru Kenyatta.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha dawladda federaalka ah ee soomaaliya ayaa lagu wadaa maalinimada beri ah inuu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho isla markaasna bilaabo qabanqaabadii shirkii lagu qaban lahaa magaalada Muqdisho ee dib u heshiisiinta loogu sameyn lahaa dadka shacabka ah ee ku nool gobolada Gedo,Jubadda hoose Iyo Jubadda Dhexe.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com