Raisalwasaare Saacid Oo Ku Baaqay In Dagaalka La Joojiyo

0

saacidMuqdisho(AGGM) Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa ku baaqay in dhinacyada ku dagaalamaya Kismaayo ay si dag-dag ah u joojiyaan dagaalka.

“Waxaan u soo jeedinayaa dhinacyada ku dagaalamaya gudaha magaalada Kismaayo inay joojiyaan xabadda ayna ka wada hadlaan khilaafkaadka dhexyaala. Shacbiga iyo magaalada Kismaayo midkoodna kama bixi karo dagaal cusub, sidaas daraadeed waa inay labada dhinacba ka waantobaan in xalka qori caaradiis lagu raadiya,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu.

 

Dhanka kale Wasiirka Gaashaandhiga DFS Cabdixakin Maxamud Xaji Faqi oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa ku baaqay in dagaalka la joojiyo, kana dhigay cawaaqib xumada ka iman karta hadii dagaalku sii socdo.

“Waxaan ugu horeyn ku baaqayaa in dagaalka sida ugu dhaqsaha badan loo joojiyo. Waxaana ka digaynaa cawaaqib xumada colaadu deegaankaas u keeni karta, sida macaluul baahda iyo in amaanka oo faraha ka baxa,” Ayuu yiri Cabdixakin Faqi. Waxaana uu wasiirku intaas ku daray inay dadaal xoogan ugu jiraan sidii loo joojin lahaa dagaalka ka socda Kismaayo.

Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay markale ku baaqaysaa in dhinacyada is hayaa wada hadal ku dhamaysataan khilaafkaadka jira. Waxayna sidoo kale ka digaysaa dhibaatada uu shacbiga iyo deegaanka u gaysan karo dagaal ka sii socda Kismaayo. Waxayna dawladdu ugu dambayn cadaynaysaa inay dadaal ugu jirto sidii colaadaas loo damin lahaa, amaankana loo xoojin lahaa, ayadoo la kaashanaysa xoogaga AMISOM ee ku sugan Kismaayo.

DHAMAAD

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com