Muqdisho (AGGM) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xaflad sagootin ah u sameeyey Safiirkii UK Matt Baugh, oo waqtigiisii diblomaasiyiinta Soomaaliya ee seddexda sano uu dhammaaday.
Shir-jaraa’id ay wada qabteen ayuu Madaxweynahu yiri “Saaxiibkeen Safiirkii UK Matt Baugh, waxuu u noqonayaa London oo uu dhameystay 3 sano oo uu howl aan macquul aheyn uu ka dhigay mid suurtagasha. Howl-karnimadiisa dheeraadka ah iyo hoggaankiisa diblomaasiyadeed ayaa xoojisey in UK ay taageerto Somalia iyo in Somalia ay ku soo noqoto beesha caalamka.
“Soomaaliya aad bey uga xuntahay sagootinta Matt Baugh, laakin waxuu nooga tagayaa UK oo horseed ka noqotay arrimaha Soomaaliya sanooyinka soo socda. Degennaanshihiisa iyo kartidiisa ayaa waxey ku qasabtay in caalamku uu fahmo in Soomaaliya in la saacido ay muhiim tahay.
“Matt Baugh markii uu imanayey waxuu ahaa U qaabilsanaha Soomaaliya oo uu markii danbe noqday safiirkii uu horreeyey ee Soomaaliya tan iyo 1991dii oo uu Muqdisho ka furay Safaaradii UK.
“ Dadaalkii Safiirka Mr Baugh ayaa suurtogeliyey in Labo shir oo caalami ah lag qabto London sanadihii 2012 iyo 2013, oo uu labada shirba marti geliyey Ra’iisul Wasaaraha UK David Cameron.”
Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Shaki iigama jiro markii aad imaaneysey Soomaaliya in la lahaa rajo ma jirto, ma jirin roadmap, mana jirin nabad iyo horumar oo waxey u muuqatay inaysan jirin hab looga baxo. Ha yeeshee dadaalkaada waxuu keenay isbedel keenay rajo, roadmap, nabad, horumar iyo waddadii loo mari lahaa nabadda.
“Dowladda UK waxey oggaatay in arrimaha Soomaaliya caqabadaha ku ah sida argagaxisada, xagjirnimada, burcad-badeednimada, fowdada, gaajada, waxbarasho la’aanta, caafimaad la’aanta, macluusha iyo qaxootiga inay dhammaantood wada yihiin arrimo caalami ah oo u baahan xal caalami ah. Tanna waa sababta keentay in UK ay door hogaamineed qaadato.”
– DHAMAAD –