Kismaayo(AGGM) Degaanka Faxfax Dhuun ee gobolka gedo waxaa labadii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacayeye dagaalo culus oo u dhexeyey ciidamada dawlada federaalka ah ee soomaaliya iyo Falaagada Alshabab,waxaana dagaaladaasi ahayeen kuwo labada dhinac isu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.
Falaagada Alshabaab ayaa la sheegay inay weeraro culus ku qaadeen fariisimaha ciidamada dawladu ku leeyihiin degaanka Fax Fax Dhuun,waxaana dagaaladaasi sababeen khasaare labada dhinac soo kala gaarey,waxaana dagaaladaasi ahayeen kuwo aad u culus isla markaasna labada dhinac is ka fool ka fool ah isagu hor yimaadeen.
Saraakisha ciidamada dawlada soomaaliya oo dagaalkaasi ka hadlay ayaa sheegey in dagaaladaasi ay dhaceen labadii maalmood ee la soo dhaafay,waxaana uu sheegey inay guulo ciidamadoodu ka soo hooyeen isagoo sheegey inay dileen askar badan oo ka tirsan kuwa Alshabaab,waxaana uu sheegey inay gacanta ku dhigeen maxaabiis alshabaab ah.
Boqolaal ka tirsan dadka degaanka ayaa la sheegayaa inay degaanadaasi ka barakaceen isla markaasna ay u caraareen degaanada kale ee nabadoon,waxaana dadkaasi aysna heli degaan fiican oo ay ku nooladaan iyo waxyaabaha daruuriga ah ee qofka bini aadamnka ahi uu u baahan yahay, mana jiraan cid ka tirsan hay’dahaa calamiga ah oo dadkaasi u gurmaday.
Xaalada degaanadaasi ayaa saaka ah kuwo xasiiloon isla markaasna xaalada maanta tahay mid aad u wanaagsna walow labada dhinac dhaqdhaqaaq ciidan ka wadaan degaanadii lagu dagaalamay,waxaana laga cabsi qabaa in ciidamadaasi mar kale fooda isku daraan maadama ay wadaan wadaan abaabulo ciidan.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com