Dawladda Federaalka Oo Soo Bandhigtey Hub Alshabab Ay Ka Soo Qabteen ( Sawiro )

0

DSC05232Muqdisho(AGGM) Hawlgal ciidamada dawlada xalay ka sameeyeen degmada Hodan ee Gobolka Banadir ayay ku guuleysteen inay ku soo qabtaan gaari nooga xamuulka qaada ah oo waday hub isla markaasna lagu doonayey in shacabka soomaaliyeed ee masaakiinta ah wax lagu yeelo.

Hubkan oo ay ku jireen boobiye-yaal sebano iyo B10 ayaa maanta lagu soo bandhigay xarunta Otto-Otto ee ciidanka booliska soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho. Hubkan ayaa waxaa lagu soo qabtay howlgalkii ugu danbeeyay oo ay ciidamada qalabka sida xalay ka sameeyeen Degmada Hodan ee Gobolka Banadir.

Taliyaha Ciidanka booliska soomaaliyeed General Cabdi Xakiim Daahir Saacid ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgalka lagu soo qabtay gaarigan siday hubka daxaleystay,isagoo sheegay in la doonayay in lagu waxyeeleeyo shacabka soomaaliyeed,laakiin ay ciidamada amaanka ka hor tageen arrintaasi.

 

Goobta Hubkan lagu soo bandhigayay ayaa waxaa joogay Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Taliyaha hay,adda Sirdoonka iyo nabad sugidda qaran General Bashiir Goobe.Ciidamada amaanka ayaa mudooyinkan howlgal isdaba joog ah ka waday degmooyinka Gobolka Banadir,waxaana lagu soo qabqabtay howlgaladaasi qaar ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab oo ku dhuumaaleysanayay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Si Kastey ahaataba waxaa la aaminsan yahay in Alshabaab doonayeen hubkan inay u adeegsadaan qaraxyada isla markaasna ay wax yeelo daran sooo gaarsiiyaan shacabka soomaaliyeed,waxaana madaxda dawladu maanta sheegeen in laga hortagey masiibo Alshabaab la damacsaneyd umadda soomaaliyeed.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

DSC05233

DSC05232DSC05239DSC05240DSC05272DSC05275DSC05282DSC05283-CopyDSC05287DSC052381