Muqdisho(AGGM) Dowlada Kenya ayaa sheegtay in muwaadin Kenyaan ah oo dowlada Kenya ugu jiray liiska argigixsada uu baxsaday kuna biiray kooxada Alqaacida ee Shabaab,Waxaana saraakisha ciidamada booliska Mombasa sheegeen in ninkaasi xili dambe oo habeenimo ah ka baxsaday jeelkii uu ku jirey.
Saraakiil ka tirsan Booliska Kenya ayaa ka hadashay nin la sheegay in uu ka baxsaday xabsiga magaalada Mombasa, kaas oo loo heytay in uu ka mid ahaa argagixisada Shabaab,ninkan ayaa dawlada kiiniya aaminsan tahay inuu ahaa nin ka tirsan argagixisada caalamiga ah ee dagaalada ka wada gudaha dalka kiiniya iyo wadamada deriska ah.
Warka ayaa intaasi ku daraya in ninkaasi uu u dhashay dalka Kenya kuna jiray Liiska argagixisada, kaas oo magaciisa lagu sheegay Fu’aad Abu Bakar Mansuub. Waxaa ninkan yahay nin sida dawlada kiiniya shaaciysay inuu ahaa nin diinta islaamka si wacan u yaqaan isla markaasna aaminsan fekerka Alqaacida iyo Alshabaabka ka dagaalanta dalka soomaaliya.
Ninkaasi ayaa la tilmaamay in uu soo galay gudaha Soomaaliya kuna biiray argagixisada Shabaab, kadib markii uu ka soo baxday xabsiga magaalada Mombasa,Ninkan ayaa la sheegaya inuu ka gudbay xadka ay wadagaan dalalka Soomaaliya iyo Kiiniya isla markaasna uu toos ugu biirey kooxda argagixisada ah ee Alshabaab, Sida ay qortay wakaalada wararka AFP oo soo xiganeysa saraakiil Kenyan ah.
Si kastey ahaataba Booliiska dalka Kenya ayaa ninkan gacanta ku dhigay 20 Decembar 2011, waxaana jiray shaqsiyaad kale oo u dhashay dalka Britain oo xiligaasi lala qabtay ninkan ka baxsaday xabsiga Mombasa. Booliska Ayaa wada qorshe ku aadan sidii ay ku ogaan lahayeen qaabkii ninkaasi uga baxsaday xabsiga Magaalada Mombasa.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com