Kismaayo(AGGM) Dagaalo aad u xoogan isla markaasna sababey khasaare lixaad leh oo soo kala gaarey ciidamada dawlada federaalka iyo kuwa Raaskambooni ayaa saaka ilaa maanta ka socda Degaanka Hunsungow ee gobolka Jubadda Hoose,waxaana la sheegaya in dagaalkaasi salka ku hayo khilaafka ka taagan magaalada Kismaayo ee xarunta Jubadda Hoose.
Dagaalkan ayaa yimid sida la sheegey markii Magaalada Kismaayo laga direy masuuliyiin ka socota Raaskambooni isla markaasna qaaday dhaqaale lacageed una geeyey ciidamada wata Magaca Raaskambooni ee degaankaasi ku sugan isla markaasna ku wargeliyeen inay ciidamadaasi u ruqaansanayaan Magaalada Kismaayo iyadoo kuwa dawladana lagu wargeliyey inay sii joogi doonaan Degaanka Hunsungow.
Ciidamada dawlada ayaa la sheegay inaan wax lacag ah la siinin isla markaasna dhinaca kuwa raaskambooni loo qaybiyey lacago badan laguna wargeliyey inay ku wajahan yihiin Magalaada Kismaayo taasi oo cadho ay ka muujiyeen ciidamada dawlada iyo saraakisha hogaamisa,waxaana halkaasi ka dhacay dagaallo culus oo saacado badan ka socday maanta halkaasi.
Dagaalkan ayaa la sheegayaa inuu sababay geerida in ka badan 15 askari oo labada dhinac ah,waxaana la sheegayaa in labada dhinac ay weeraro culus isku qaadeen isla markaasna sababey in dhinaca raaskambooni laga wareego farisiin ay fadhiyeen,waxaana sidoo kale la sheegey in dagaalkaasi keenay inay kooxda Raaskambooni dib u gurasho sameeyeen isla markaasna dagaalku si goos goos ah u socdo.
Axmed Madoobe ayaa la sheegaya inuu doonayey in ciidamadaasi soo galaan gudaha magaalada kismaayo isla markaasna ku soo biiraan dhinaciisa,taasi oo ciidamada dawlada sheegeen inaysan aqbaleyn inay iyaga kaligood ku sugnaadaan degaanka Husungow ,waxaana la sheegey in ciidamada dawladu arrintasi xabad kaga jawaabeen.
Dhinaca kale wararka Allgalgaduud ka helayso in dagaaladaasi ay hadda ka socdaan degaankaasi isla markaasna galabta dib u qarxeen,waxaana dagaaladaasi yihiin kuwo labada dhinac isu adeegsanayaa hub culus oo ay ka mid yihiin gaadiidka dagaalku,waxaana laga cabsi qabaa in dad shacab ahi dagaaladaasi wax ku noqdaan.
Si kastey ahaataba dagaalkan galabta ka socda degaanka Hunsungow ayaa lagu tilmaamayaa inuu salka ku hayo xaaladaha ka oogan Magalaada Kismaayo kuwaasi oo u dhexeya kooxda Raaskambooni iyo kooxo u abaabulan qaab qabiil iyo Ciidamo ka tirsan dawlada federaalka ah oo kismaayo iyana dhinac ka degan.
Kala Soco Wararka Ka Soo Dagaaladaasi Allgalgaduud
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com