London(AGGM) Sida aan la wada socono ama aan dareenshay burburkii qaranamida Soomaaliya iyo waqtiyadii Qabiilka loo kala baxay waxaa moodaa in Soomaali ahaan wax badan laga dhaxlay oo dadka Soomaaliyeed kala qaybinayaa oo qabiil iyo jahli ah kaas oo umadeenii wax badan u dhimay oon marnaba la soo koobi Karin.
Dhismahii dowldaha kumeelgaarka ahaa mudadii 12 sano ahayd ooy soo mareen Madaxweynayaasha kala duwan waxaad moodaysay inay Soomaalida ka sii baxaysay qabiilka una gudbaysay marxalad wanaagsan oo Soomaalinima ah balse waxaa moodaa in hada dib loo noqonayo.
Laga soo bilaabo 2008 dii inta badan Bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya waxaa maamulayay ururka Al-shabaab kaas ood moodo inuu Qabiilkii iyo Qabyaaladii baa’biyay meelaha uu ka talinayo ood moodo inay xukun loo siman yahay ka sameeyay.
Hadaba aan u soo noqdo ciwaanka barnaamijkaygee ka bixitaankii kumeel gaarka ,dhalashadii Dowlada Soomaaliyeed ee federaalka ah doorashadii Madaxweyne Xasan Shiiq,Raysalwasaare Cabdi faarax iyo Gudoomiye Maxamed Jawaari waxa uu wadanka galay marxalado badan oo kala duwan iyo siyaasado cusub taas oo ka farxin wayday qaybo ka mid ah ummada Soomaaliyeed ama qabaa’ilada ayada ood moodo in Qabyaaladii soo noqotay durbaan cusubna la tumayo.
Bilowgii maamulka Jubaland iyo shirarkii is daba socday oo ka socday Magaalada Kismaayo waxay gilgileen siyaasadii wadanka iyo midii dowlada ayada lagu kala aragti duwanaa awooda dowlada ku leedahay iyo awooda maamulada federaalka ah ay yeelanayaan .
Waxaa jiray madax badan oo dowlada ka tirsan in Airoporka Kismaayo lagu celiyo ugu danbayntii waxaa magaalada degay wafti uu hogaaminayay wasiirka gaashaandhiga kaas oo u m agacaabay magaalada kismaayo ciidamada dowlada oo joogo taliye cusub balse waxaa soo baxay in amarkii dowlada loo hogaansami waayay.
Mudane fiqi dad ayaa waxay ku eedeeyeen dagaalkii kismaayo inuu ku lug lahaa taas ood moodo runtii inay tahay mid xaqiiqda ka fog dadka Wasiirka eedaynaya aad moodo inay daacadnimda ka tageen waxa ay dad badan la socdaan in dagaalka uu ka bilowday hor is tag la hor istaagay nin ka mid ah ragii madaxweynayaasha uga dhawaaqay magaalda Kismaayo oo lagu magacaabo Mr.Iftiin Baasto kaas oo doonayay inuu tago sida la sheegay hotelkii ay daganaayeen waftiga dowlada asna diiday in laga hor istaago halkaana dagaalka ka bilowday maalinkii hore halka maalinkii danbe ay ahayd mid si cad asaga iyo reerkiisa weerar loogu soo qaaday.
Waxaa wasiirka lagu eedeeyay in:
• In ciidamo uu ka qoray Magaalada
• In ciidamadii dowlada ee magaalada uu Mushaar u keenay
• In Taliye cusub uu soo magacaabay
• Kadibna saas dagaalka ku dhacay.
Wasiirku soomaaha wasiirkii Gaashaandhiga Soomaaliya soo xaq uma laha inuu ciidamo qaran ka qoraa magaalada Kismaayo oo ka tirsan Soomaaliya soose xaq umalaha ciidamadii dowlada oo joogay deegaanka inuu u keeno Mushaar ama xaqoodii Maxaase diiidayay inuu ninkuu u garto inuu maamuli karo ciidamada qaranka u soo magacaabo taliye cusub shalayba soo lama soo magacaabin kuwa hada jooga.
Waxaase is waydiin mudan in qof walba oo soomaali ah is waydiiyo ma waxaa dagaalka bilaabay:
• Ninkii asaga meel iska jooga
• Ma ninkii asoo meel u socda loo diiday mise kii u diiday ayaa bilaabay dagaalka.
Ugu danbayntii aniga iyo inta ila rayiga ah waxaan aaminsanahay in laga fiirsado hadalada xanafta leh oo wax loogu dhimayo madaxda dowlada gaar ahaan Wasiirka Gaashaandhiga kaas oon mudnayn mida kale waxaa aad nasiib daro u ah in 2013 ka halka aan ka shaqayn lahayn wadajirka iyo qaranimada Soomaaliyeed raadin lahayna soomaalinimada aan durbaan qabiil iyo Qabyaalad garaacno kaas oon ognahay halka ay nagu furtay.
Waxaan sii raacsan lahaa oon dadka Soomaaliyeed u sheegi lahaa inuusan qabiil qaran noqonin mudnayna waqtigaan inaan qabiil taageerno ee waxaan ku talinayaa inaan dowladeena la shaqaynaa waxay mudan tahayna siinaa waayo dowladihii aduunka ugu waawaynaa ayaad u jeedaan say diyaar ugu yihiin inay dowladeena taageeraan marka adinkana taageera.
Mohamed.Hashi.Abdi
MA international Relations.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com