Alshabaab Oo Si Xun U Dilay Wiil Dhalinyarro Ah Degaanka Ceel Buur

0

show_image_402.phpCaabudwaaq(AGGM) Maydka Wiil dhalinyaro ah oo si naxariis darro ah loo dilay ayaa laga helay duuleedka degmada Ceelbuur, kaasi oo  la aaminsanyahay in ay dilaan Maleeshiyaadka Alqaacidada Soomaaliya ee Al-shabaab.

Xerada Caanamoog oo aheyd dugsi lagu tababaro ciidamada XDS islamarkaana dhacda duleedka degmada Ceelbuur ayaa laga helay Meydka wiil dhalinyaro ah oo Magaciisa lagu sheegay Axmed yare,  kaas oo ka mid ahaa dadka ku nool degamada Ceelbuur.

Qaar ka mid ah dadka reer Ceelbuur oo la soo xiriiray saxafadda ayaa xaqiijiyay in wiilkaasi laba maalin ka hor ay maleeshiyaadka Shabaab ka kaxeysteen magaalada Ceelbuur, hase yeeshee saaka ayaa meydkiisa lagu arkay Xerada Caanamoog  isagoo xarig looga xiray qoorta,  gacmaha iyo Lugaha.

Maleeshiyaadka Shabaab ayaa la sheegay in wiilkaasi ay ku eedeeyeen in uu xiriir la lahaa culumaa’udiinka Ahlusunna waljamaaca, iyadoo goor sii horeysana degmada Ceelbuur laga helay Meydka wiil dhalinyaro ah oo ka yimid qurbaha soona booqanayay walidiinta iyo ehelkiisa oo ku nool degmadaasi.

Arrintan ayaa qeyb ka ah tacadiyada iyo xadgudubyada ka dhanka ah Bani’aadanimada ee looga bartay maleeshiyaadka Shabaab, waxeyna ku caanbaxeen dhaqamo xun xun oo naxariis la’aan ah oo aysan hore u aqoonin ummadda Soomaaliyeed.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com