R/wasaarihii hore ee Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen ayaa sheegay in Nidaamka Federaalka uusan Soomaaliya xal u ahayn wuxuuna dhaliilo usoo jeediyaydhinacyada Siyaasada Soomaalida oo uu sheegay ineey qayb ka yihiin mushkilada ka taagan dalka.
R/wasaare C/risaaq Xaaji Xuseen oo hada da’diisu tahay 89 Sano ayaa mar uu wareysi siinayay idaacada VOA waxa uu ka hadlay Xaaladaha kala duwan ee haatan ka taagan dalka Soomaaliya.
Dastuurka:
R/wasaarihii hore ayaa ugu horeyn sheegay in Dastuurka Federaalka ee hada Soomaaliya looga dhaqmo uusan ahayn mid u wanaagsan midnimada dalka isagoona sheegay sidan.
“Anigu waxaan qabaa waxay ahayd doowlada dhexe ineey jirtaa, nidaamkaan Federaalka ah oo hada la sheegayo wax weyn oo uu dad weynaha u kordhinaayo majiraan, Niman qab qablayaal ah oo raba ineey ku ugaartaan oo ay xoog ku qabsadaan gobolada dalka ayaa wata Nidaamka kan, dadweynaha hadii la xisaabtamo wax weyn oo ay u kordhinayaan ma muuqdaan” ayuu yiri R/wasaarihii hore.
Mudane C/risaaq Xaaji Xuseen ayaa sidoo kale amaan iyo dhaliilba usoo jeediyay doowlada Federaalka Soomaaliya, waxaana uu usoo bandhigay talooyin farabadan.
Ugu horeyn waxa uu doowlada ku amaanay sida ay u dhistay Siyaasada arimaha dibada.
“Xukuumada tan waxyaabaha aniga aan ku amaanayo waxaa kamid ah ineey ineey guulo fiican ka gaartay arimaha dibada, Ictiraaf baa lahelay iyadoo doowlada uu hogaamiyo madaxweyne Xasan Shiikh loo aqoonsaday ineey tahay doowlada rasmiga ah ee dalka Soomaaliya, sidoo kale waxaan madaxweynaha ku amaanaya siyaasadiisa qaboow oo uu ku qaabilay arimaha dibada, shaqsiyadiisa suu u muuqanayo iyo hadaladiisa waxaa iyadana qiimaheeda leh in la ictiraafo” ayuu hadalkiisa sii daba dhigay.
Jubooyinka:
Mar uu soo hadal qaaday arimaha Jubooyinka ayaa R/wasaarihii hore C/risaaq Xaaji Xuseen waxa uu ku dhaliilay sida ay doowlada Federaalka u maamusha arimaha Jubooyinka.
“Hanaanka hada uu Axmed Madoobe Madaxweynaha ku noqday mudo badan buu soconaayay, anigu ma maqal nimanka gadaal kasoo baxayoo nin walbo sheegtay madaxweyne inuu yahay, Barre Hiiraale, IFTIN laba nin oo kale ma maqal, hal nin ayaa maqlay oo Kenya dagan oo maal qabeen ah oo wadankaas u dhashay oo markii hore isa sharaxay oo markuu arkay in dabaysha Axmed Madoobe wadato iska aamusayoo ka tanaasulay laakiin nimankaan kaloo soo baxay magacooda wax haayaa majirin, waxayna aniga i tuseeysaa in ay yihiin dad doowlada ay meesha usoo dirtay, umana fiicna doowlada ineey ka shaqeyso wax keenaaya xasilooni darro” ayuu yiri C/risaaq Xaaji Xuseen.
R/wasaarihii hore ayaa sidoo kale sheegay in hanaanka goboleeysiga uu yahay mid aan Soomaalida u wanagsaneen oo marka ugu danbeysa Qabiil salka galinaya, isagoona xusay in arimaha hada kajira Jubooyinka lagu lamaaninayo dano qabiil.
“Meesha tan Xoogaay Qabiil baa lagu lamaaninayaa, Puntland iyo Jubaland Daarood baa dagan oo awal Muqdisho lagu baa bi’iyay oo Xoolahoodii la qaatay oo dadkoodii la xasuuqay, marka manta inaan Hawiye markale afka u galno ma yeeleeyno weeye arinta Socotaa, laakiin wax shaqeeynaayo maahan” sidaa waxaa yiri R/wasaarihii hore ee Soomaaliya.
Puntland:
Sidoo kale mar uu ka hadlayay Siyaasada Puntland ee ku aadan arimaha Jubooyinka ayaa waxa uu sheegay ineey jiraan Sababo uu tuhmayo ineey salka ku hayaan doorka Puntland ee jubooyinka, waxaana hadaladiisa kamid ahaa.
“M/weyne Faroole waxa uu iska dhigayaa nin u muuqanaya Nin Champion ah oo u dadaalaya nidaamka goboleeysiga xoojintiisa, xoog buu saaray Jubaland, Nairobi buu tagay halkaas buuna ka cadeeyay, laakiin anigoo qiimo u haaya madaxweyne Faroole ayaa hadana waxaa ii muuqata in arimo qabiil ka marneeyn oo uu rabo doorashada soo socota inuu guuol ku helo oo dadka ugu sacbiyaan, isagoona iska dhigaya Nin Daarood daafacay oo usoo baxay inuu noqdo ayay u dhawaan kartaa”.
C/risaaq Xaaji Xuseen R/wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna masuulka ugu sareeya ee xiligaan ka nool madaxdii talada dalka Soomaaliya soo qabatay kahor Bur Burka ayaa mar la weydiiyay inuu jeclaan lahaa inuu dalka Soomaaliya oo uu mudo farabadan ka maqnaa soo booqdo, ayaa waxa uu ku jawaabay.
“Dareenkaasu waa i galaa wadanka wadankeygi waaye wixii wanaag ahaa ee aan soo qabtayna meeshaan ku gaaray wixii dhib isoo marayna meesheey igu soo gaareen, lakiin intey jirto Qabyaalad kuma laabanaayo”.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com