Wafdi isugu jira Xildhibaano,Nabadoono,iyo Saraakiil Maanta Gaaray Degmada Cadaado“SAWIRRO”

0

S2330028Muqdisho(AGGM) Xili maalintii labaad uu magaalada Cadaado ku suganyahay horjooge Xasan Daahir Aweys oo isku dhiibay maamulka Ximan iyo Xeeb ayna magaalada ka soconayaan Kulamo arrintaasilooga hadlayo ayaa waxa maanta Magaalada Caadaado gaaray wafdi isugu jira xildhibaano,nabadoono iyo saraakiil oo xoojinaya wada hadalada arrintaasi ku saabsan.

Wafdiga ayaa waxaa soo dhaweeyay mas’uuliyiin uu ka mid ahaa madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb iyo Gudoomiyaha baarlamaanka maamulkasi.

Xildhibaan  Cabdi Maxamed Abtidoon oo ka mid ah wafdiga maanta gaaray magaalada Cadaado ayaa sheegay inay Cadaado u tageen arrinta la xiriirta soo qabashada horjooge Xasan Daahir Aweys,isagoo sheegay in wadfiga uu la socdo ay maamulka Ximan iyo Xeeb kala xaajoon doonaan sida laga yeelayo horjoogahaasi.

Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa shalay gacanta ku soo dhigay horjooge Xasan Daahir Aweys oo naftiisa kala cararay horjoogayaasha kooxda Al-shabaab.

Isha Ku Hay Allgaladuud

Allgalgaduud@gmail.com

S2330014S2330018S2330024S2330003S2330028S2330043