Kismaayo(AGGM) Xaalada guud ee magaalada kismaayo ayaa ah mid aad u qasan isla markaasna ay ka jiraan dhiilooyiin colaadeed oo u dhexeya Jabhadda Raaskambooni oo isku aruursanaya xaafad ka mid ah Magaalada kismaayo iyo ciidamada degaanka Kismaayo oo iyagu heegan buuxa ku jira inta badana gacanta ku haya magaalada kismaayo.
Ciidamada degaanka Magaalada Kismaayo oo shalay dagaalo aad u culus la la galay Jabhadda Raaskambooni ayaa maamula inta badan magaalada Kismaayo,waxaana la sheegayaa inay kooxda Raaskambooni firxadkoodii shalay wali isku aruursanayaan xaafad ka tirsan magaalada kismaayo.
Dhamaan waxaa iriduhu u laaban yihiin goobaha ganacsiga waxaana la sheegayaa inay jirto xiisad dagaal oo laga cabsi qabo inuu dagaal hor leh qarxo maadama ciidamada degaanku isu diyaarinayaan inay xaafadaha ay ku harsan yihiin haraadiga Jabhadda Raaskambooni ka sifeeyaan iyadoo madaxtoodii wali marti u yihiin ciidamada Kiiniya ee ku sugan garoonka diyaaradaha.
Ciidamada degaanka ee Magaalada kismaayo ayaa la sheegayaa inay wadaan qorshe dagaal oo ay ku doonayaan inay gebi ahaanba falaagada Kambaani kaga taqalusaan isla markaasna ku galiyaan hawdka kismaayo oo ay ku jiri jireen,waxaana dhaqdhaqaaqa ciidamada degaanku wadaan laga dareemayaa guuda ahaan magaalada kismaayo iyadoo gaadiid dagaal oo farrro badan lagu arkayo gudaha magaalada kismaayo.
Si kastey ahaataba dagaalkii shalay qasaarihii jabhadda Raaskambooni ka soo gaarey ayaa ah mid aanay si deg deg ah uga soo kaban doonin,waxaana cadaatey inaysan ciidamada dawlada kiiniya ku garabsiin doonin dagaalada ay la galaan ciidamada degaanka,waxaana quus taagan Madaxda Falaagada Kaambooni oo damcay inay ciidamada kiiniya ku qanciyaan inay dagaalka dhankooda la saftaan balse ka biyo diiday.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com