Raisalwasaare Saacid Oo Sheegey Inay ka Hortageen Weeraro Alshabaab Soo Maleegeen

0

IMG_0883Muqdisho(AGGM) Raisalwasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa waxaa uu sheegay in dawlada Soomaaliya ay waqti badan galisay sugida amaanka waliba ay ka hor tagtay weeraro ay Shababku gaysan lahaayeen magaalada Muqdisho.

Raisalwasaaruhu waxaa uu sheegay in ciidamada dawlada ay hawl adag qabteen wixiii ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday xarunta hay’adda UNDP ee magaalada Muqdisho isla markaana ay ka hor tageen dhawr weerar oo kale oo Shabab qorshaha ugu jiray.

Waxaana uu uu yiri Raisalwasaaruhu “Qiyaastii 2 ama 3 weerar ayay Al-Shabab qorsheeyeen inay bishiiba Muqdisho ka geystaan waase fashilinay sugida amaanka waa waxa aanu ahmiyada koowaad siinayno,Waanuna ku dadaaleynaa inaan fashilino falalka waxashinimada ah ee argagixisadu soo maleegeyso”.

Saacid waxaa uu intaa ku daray inay wadaan  wada hadalo ay kula jiraan dawladaha deeqaha bixiya si loo helo buu yiri adeegyada ay ciidamadu u baahan yihiin oo ay tababaro ku jiraan.

Sarkaal dhanka amaanka ah oo u dhashay mid ka mid ah wadamada reer galbeedka oo ay wakaaladda wararka Reuters la hadashay ayaa sheegay in inkastoo ay weerarada ay  Shabab ka geystaan magaalada Muqdisho ay yihiin kuwo dhif dhif ah hadana ay muujinayso weerarkii UNDP inay awood u leeyihiin inay weeraro kale fuliyaan.

Ugu dambeyntii dawlada oo si buuxda u maamusha magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood  ayaa haddana waxaa magaalada kadhaca weeraro la qorsheeyo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com