Maxamed Aamiin '' Faroole Waxaa Haboon Inuu Arrimaha Jubooyinka Faraha Kala Baxo ''

0

maxamedamiin2-CopyKismaayo(AGGM) Maxamed Aamiin ka mid ah Siyaasiinta ka soo jeeda  Gobolladda Jubooyinka Iyo Gedo ayaa ka hadlay xaalada Gobollada Jubooyinka waxaana uu shaaciyey inuu hadda ku sugan yahay magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbadda hoose isagoo ka hadlay arrimo badan oo xasaasi.

Maxamed Waxaa uu eedeyn u jeediyey Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Faroole waxaana uu ku eedeyey inuu arrimo aan dani ugu jirin uu faraha kula jiro isla markaasna uu doonayo inuu dadka walaalaha ee ku wada nool gobolladaasi uu colaad ka dhex huriyo isla markaasna uu iska hor keeno qabaa’iillada Soomaaliyeed.

Waxaana hadalladiisi ka mid ahaa ” Madaxweynaha Puntland waxaa haboon inuu faraha kala baxo arrimo aan dan ugu jirin isla  markaasna waxaa wanaagsan inuu ka taliyo aayaha iyo danta umadda uu madaxweynaha u yahay,waxaa la go yahay dhibaatada uu faroole ku hayo shacabka gobollada puntland ku dhaqan, hadana waxaa uu rabaa inuu dhibaato ka dhex abuuro dadka walalaha ah ee wada degan gobollada gedo iyo jubooyinka mana ahaa waxa dhici doona ”

Waxaa kale oo uu ka hadlay guud ahaan ciidamada ku wada sugan magaalada Kismaayo Waxaana uu yiri ” Kismaayo waxaa ku wada sugan ciidamo badan kuwaasi oo ah ciidamada dawlada iyo raaskambooni, Inta badan Raaskambooni kama amar qaataan Maamuladda ka jira kismayo midkoodna, waxay tageersan yihiin dawlada federaalka ah, ciidamada dawladuna waa kuwa dawlada,balse Raaskambooni dadku waxay aaminsan yihiin inay maamullada qaarkood ka amar qaataan, warkaasi waa been ,dawlada soomaaliya ayey hoosta gayaan ”.

Waxaana uu raaciyey ” Cidamadda Dawladu waxay degan yihiin Xaafadaha Via Afmadaw, Calanley Iyo Warshadii Hilibka, Kuwa Raaskamabooni iyana waxay degan yihiin afafka magaalada laga soo gallo dhamaantoodna waxay tageersan yihiin dawlada soomaaliya kama amar qaataan maamuulada dhawaan looga dhawaaqay kismaayo waana ka madax banaan yihiin ”.

Sidoo kale waxa u daboolka ka qaaday inaysan jirin wax maamul ah oo kismaayo ka jiraa isla markaasna shacabka Magaalada Kismaayo sugayaan sidi dawlada soomaaliya maamul loo dhan yahay ugu soo sameyn lahayd gobollada Jubooyinka Iyo Gedo,waxaana uu daboolka ka qaaday in dawlada arrimaah goboladaasi looga dambeyn doono.

Si kastey ahaataba hadalkani imaanayaa xilli shalay Madaxweyne Bare Hiiraale eedeyn kulul u jeediyey Madaxweynaha Puntland Faroole isagoo ugu baaqeyn inuu faraha kala baxo arrimaha jubooyinka isla markaasna ka tashado aayaha degaanada uu maamulo kana dhex baxo wax aan dani ugu jirin,waxaana labada hadal noqoneyaan kuwo isku mid ah oo ka soo horjeeda fekerka Axmed Madoobe iyo kooxdiisa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com