Xog Dhab Ah: Kulan Saacado Badan Qaatey Ka Dib Madoobe Oo Aqbalay Shirka Xamar Inuu Tago

0

17921Addis Ababa (AGGM) Kulan Saacado badan qaatey oo u dhexeyey Hogaanka Jabhadda Raaskambooni iyo Wefti ka socda dawlada federaalka ah oo ay kala hogaaminayeen Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe ) oo ah Hogaanka Jabhadda Raaskambooni & Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada Soomaaliya Mudane Faarax Cabdulqaadir ayaa saacadihii hore ee xalay laysku fahmi waayey.

Wajigii hore ee kulankaasi ayaa ahaa mid ay isku kaliyeysteen kooxaha soomaalida ahi isla markaasna ay isla mari waayeen qodobo ay ka mid ahayeen inuu Axmed Madoobe ka tanaasulo xilkan uu sheeganayo isla markaasna Xamar maalmaha soo socda iska xaadiriyo loona magacaabo Gudoomiye ku meel gaar ah inta Maamul laga soo dhisayo balse Axmed Madoobe ayaa wajigii hore ka biyo diiday.

Wajigii Labaad waxaa ka soo qayb galay saraakiil sar sare oo ka tirsan  wasaaradaha Arrimaha dibedda dawlada Itoobiya iyo xubno ka socda Urur Gobolleedka IGAD,waxaana la sheegey inay dhageysteen warbixinaha iyo wax laysku mari la yahay,waxaana ay sheegeen inaysan iyagu dhinaca tageereyn isla markaasna doonayaan in soomaaliya xal loo helo si ay dagaal dambe dib ugu laaban.

Saraakisha ka socda Wasaarada arrimaha dibedda dawlada Itoobiya Iyo Kuwa IGAD ayaa si toos ah Axmed Madoobe xalay ugu sheegey inuu ka tanaasulo xilkaasi isla markaasna uu hogaansamo dawlada Federaalka ah ee soomaaliya,waxaana ay kula taliyeen hadii uu haysto kalsooni buuxda inuu isu soo taago xilka Madaxtinimada Jubbaland.

Axmed Madoobe iyo kooxdiisa ayaa la sheegey inay ka codsadeen inay la siiyo qadar saacad ah oo ay dhexdooda kaga doodaan arrintaasi isla markaasan go,aan rasmi ah ku soo celinayaan inta kulanku socday oo xalay ahayd,waxaana la sheegey inay fekerkaasi wada gayeen ragga kala Axmed Madoobe, prof Gaandi & Aw Libaax.

Markii hal saac ee fekerka ahi soo dhamaaday ayaa la sheegay inay shaaciyeen inay xamar tagayaan isla markaasna ay doonayaan inay shirkaasi ka qayb galaan,waxaana ay sharuud ku xireen in Gudoomiyaha iyo ku xigeenka Ku meel gaarka noqonaya ay ahadaan labadii nin ee hore u ahaan jirey waa Axmed Madoobe iyo Raadeer.

Sidoo kale waxaay dalbadeen in golaha wasiiradda ee dhawaan laysku shaandheynayo lagu darro xubno tageerayaal u ah Jabhadda Raaskambooni,waxaana la sheegey in weftiga dawlada federaalka ahi sheegeen inay arrintaasi gudbinayaan isla markaasna aan waxba laysku waayi doonin balse loo baahan yahay in dhiiga shacabka soomaaliyeed laga baajiyo inuu daato.

Ugu dambeyntii Axmed Madoobe iyo kooxdiisa ayaa xalay miiska kaga seexday hamigoodii ahaa inay madax rasmi ah ka yihiin Gobollada Jubooyinka balse ku seexday inay yihiin Maamul ku meel gaar ah,waxaana ay rajo ka qabaan in mar kale la doorto walow arrintaasi ay tahay mid aan dib u suuroobi doonin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com