Gudiga ayaa manta markii ugu horaysay soo saaray war saxaafadee ay kaga hadlayaan xaalada magaalada Kismaayo iyo dhibaatadii ka dhalatay dagaalkii dhacay.
Waxa ay wax laga xumaado ku tilmaameen dagaalkii Kismaayo ka dhacay oo ay ku dhinteen inkabadan 70 ruux kuna dhaawacmeen ku dhawaad 150 qof halka ay ku barakaceen qoysas kor u dhaafaya 20,000(Labaatan kun) kuwaas oo siyaabo kala duwan ugu firdhisan geesaha magaalada iyo gudaha magaalada Kismaayo
Gudiga xariirka iyo dib u heshiisiinta goobolada Jubbooyinka waxa ay iyaga oo ka xun tacsi u direen eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen dadkii ku naf waayay dagaalka waxashnimadaa Allana uga baryeen in uu u booga dhayo kuwii ku dhaawacmay.
Masuuliyiin u hadlay gudiga ayaa waxa ay masuuliyada dagaalka Kismaayo dusha uga tuureen dowlada Kenya oo ay ku tilmaameen in aysan haba yaraatee wixii ka dhacayay Kismaayo dhex dhexaad ka ahayn iyada oo la safatay hal dhan isla markaana dhibaato aan loo meel dayin u gaysatay dad u badan Rayid.
“Ciidamada Kenya ee ku sugan Kismaayo waxa ay si qiyaano ku jirto u galeen dagaalkii 3 cisho socday waxayna madaafiic ku garaaceen xaafado Radiyd ku badanyahay iyaga oo liishaamay goobo waxbarasho iyo goobo ganacsi oo ay dhulka la simeen” sidaa waxaa yiri Axmed C/salaan oo ka mid ah Masuuliyiinta gudagan.
Sida ay ku xuseen warsaxaafadeedkan waxa ay Kenya rabtaa in ay si sharci daraa u qaadato dhaqaalaha Dekeda Ksimaayo iyo Ayraboorka oo sida la cadeeyay ay kala bar qaadato dhaqaalaha ka so obaxay iyada oo cuna qabatay saartay ciidankii dowlada ee kismaayo ku sugnaa.
Kenya waxa ay si aan gabsho lahayn u hubaysay Hal qabiil waxayna ka shaqeysay kalsooni daro soo kala dhexgasha qabiilooyinka Soomaliyeed oo ay iminka colad dhex dhigtay.
Ugu danbayn waxa ay ugu baaqeen Dowlada Soomaaliya, Beesha Caalamka, ururgoboleedka IGAD, midawga Afrika, wadamada Carabta iyo cid kasta oo danaysa arimaha Soomaaliya in ay il gooniy aku fiiriyaan xadgudubyada kenya.si qaas ah dowlada Soomaaliyeed waa in aysan ka daalin raadinta xal laga gaaro sidii ciidanka Kenya loo badali lahaa ma dalka looga saari lahaa.
Waxa ay uga digeen cidwalaba oo hurinaysa colaada Jubbada Hoose in ay ka waantoobaan isla markaana la socdaan in lala xisaabtami doono maalin ay ahaataba kuwa dhaca, dilka iyo Kufsiga ka gaysanaya Kismaayo.
Waxgaradka, Aqoonyahanka, Siyaasiyiinta iyo ganacsatada ka soo jeeda gobolada Jubbooyinka ayay ugu baaqeen in ay u istaagaan sidii xal looga gaari lahaa arimaha murugsan ee deegamadooda una gurmadaan shacabkooda la barakiciayay.
Hay’adaha samafalka ayay ugu yereen in ay gurmad dag dag ah la garaan dadka ku barakacay dagaalka kismaayo oo aan ilaa iminka wax gacan ah ka helin beesha Caalamka, iyada oo la soo sheegayo xaalad bini aadanimo oo haysta dadkii barakacay oo aan wali guryahooda ku soo laaban.
Wabilaahi Towfiikh
Gudiga Xariirka iyo dib u heshisiinta gobolada Jubbooyinka
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com