Boolis Amisom Ah Oo La Geynayo Magaalada Baladweyne Si Ay Amaanka Wax Uga Qabtaan

0

Amisom-policeMuqdisho(AGGM) Ciidamo ka socda Booliska Amisom ayaa lagu wadaa in dhowaan la geeyo magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan, halkaasoo horay u joogeen Ciidamo milateri ka socda Jabuuti oo qeyb ka ah howl galka Amisom. Waxaana lagu wada in ciidamada booliska ahi tageeraan ciidamada booliska dawlada federaalka ah ee ku sugan Baladweyne.

Booliska Amisom ayaa la howl gala booliska Soomaaliya, iyagoo ka qeyb qaata sugida ammaanka magaalooyinka, waxaana qorshaha lagu geynayo beledweyn uu qeyb ka yahay sidii magaalooyinka waa weyn ee saldhigyada u ah Amisom loo geyn lahaa. Waxaana ciidamada booliska Amisom lagu wadaa inay tababaro siiyaan ciidamada booliska soomaliyeed.

Taliyaha booliska Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ciidamada Amisom ee Booliska ay dhowaan soo gaari doonaan magaalada Beledweyn oo ka jiro is bedelo dhinaca ammaanka iyo horumaro kala duwan. Waxaana talaabadani horumar u noqoneysa shacabka ku dhaqan Magaalada Baladweyne oo amaankooda la xaqiijinayo.

Magaalada Beledweyn oo ku taala Bartamaha Soomaaliya ayaa ah meel istiraatiiji ah, iyadoo ka sokow is bedelka xaga ammaan ee ka jira magaalada laga dareemaa wada shaqeyn toos ah oo u dhaxeysa ciidamada ammaanka iyo shacabka.

Ugu dambeyntii Ciidamada Jabuuti ee loo yaqaano Hiil Walaalo ayaa kalsooni iyo xiriir kala dhaxeeya shacabka, iyagoo aad u isu dhex galay, waxaana dhowaan lagu soo gaba gabeeyay magaalada Tartan isboorti oo uu soo qaban qaabiyay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, kaasoo lagu dhiira gelinayay dhalinyarada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com