Muqdisho (AGGM): Kadib markii lagu eedeeyay ciidamada Kenya ee ka howlgal magaalada Kismaayo in ay daraf ka yihiin khilaafka siyaasadeed ee ka jira gobolada Jubbooyinka, islamarkaana toos uga qeyb-qaateen dagaalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Kismaayo, ayeey ka fikirayaan saraakiisha midowgga Africa sidii ciidamo kale oo ka socda dalalka qeybta ka ah howlgalka AMISOM loo geyn lahaa magaalada Kismaayo.
Inkastoo arinta aan si rasmi ah loo shaacin ayaa haddana la rumeysan yahay leys kula soo qaaday kulan dhawaan magaalada Muqdishu dhaxmaray wakiilka midowgga Africa Mohamet Salah Annadif iyo madaxa ugu sareysa dowladda federaalka oo siweyn uga wada hadalka kulankooda xaalada magaalada Kismaayo.
Warka ku saabsan in isbadal lagu samenayo howlgalka AMISOM ee gobolada Jubbooyinka ayaan la ogeyn sida ay u soo dhaweyn doonaan saraakiisha Kenya oo dad badani aaminsan yihiin gobolada Jubbooyinka ka leeyihiin dano dhaqaale iyo mid istiraatijiyadeed marka laga soo tago in ay ka tirsan yihiin AMISOM.
Ciidamo u badan dowladdaha Uganda iyo Burundi ayaa la filayaa in ay kala wareegaan amniga magaalada Kismaayo ciidamada hadda jooga ee Kenya, waxaana la filayaa in ciidamadaas ay si toos ah ula shaqeeyaan saraakiisha dowladda ee joogta magaalada Kismaayo.
Haddii u dhab noqdo warka ku saabsan in Kismaayo laga wareejinayo ciidamada Kenya taas waxaa ay dhabar jab ku noqon doontaa maamulka Pintiland iyo maleeshiyo beeleedka uu hogaamiyo Axmed Madoobe oo la rumeysan yahay in qaraabo hoose ay yihiin ciidamada Kenya.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com