Kismaayo(AGGM) Hogaamiyaha Jabhadda Raaskambooni Axmed Maxamed islaam ( Axmed Madoobe) ayaa lagu wadaa inuu maanta ama beri u dhoofo Magaalooyinka Galkacayo Iyo Garowe halkaasi oo ay daadsan yihiin Dhaawacyo badan oo maleeshiyaadkiisa ah kuwaasi oo tiradooda lagu sheegey inay kor u dhaafeyso120 Maleeshiyaad.
Maleeshiyaadkan ayaa la sheegaya inay dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen dagaaladii dhawaan ka dhacay Magaalada kismayo kuwaasi oo u dhexeyey ciidamadda dawladda federaalka ah ee soomaaliya iyo kuwa ciidamada kiiniya oo garab siinaya Jabhadda Raaskambooni,waxaana dagaaladaasi ka soo gaareen dhinaca Raaskambooni khasaare lixaad leh.
Dhaawacyadan waxaa dhawaan diyaarado looga daabulay Magaalada kismaayo iyadoo loo kala qaaday Magaalooyinka Garowe Iyo Galkacayo halkaasi oo xaaladooda caafimaad lagu soo daawanayno,waxaana la sheegaya ina dhaawacyadaasi qabaan dhaawacyo kala duwan.
Sidoo kale dhaawacyo kale oo iyagana tiradooda lagu sheegay 67 ayaa ciidamada kiiniya u qaadeen intii dagaaladu socdeen magaalada Wajeer ee gudaha wadanka Kiiniya halkaasi oo xaaladooda caafimaad lagu soo daawanayo,waxaana la sheegaya in dhaawacyada ugu badan ka dhasheen dagaaladii ugu horeyey labadii Maalmood ee hore.
Axmed Madoobe ayaa la sheegaya inuu maanta ama beri gaari doono magaalooyinkaasi isla markaasna uu booqan doono Magalooyinka Garowe iyo Galkacayo halkaasi oo ay daadsan yihiin dhaawacyadiisa isla markaasna shacabku ku mashquulsan yihiin sidii ay ugu aruurin lahayeen lacago qaraan ah.
Ugu dambeyntii waxaa lagu wadaa in Axmed Madoobe uu kulamo la soo qaato Madaxda Maamulka Puntland ee ku sugan magaalada Garoowe kuwaasi uu kala hadli doono sidii ay uga caawin lahayeen dagaalada uu kula jiro ciidamada dawlada federaalka ah ee soomaaliya iyo dadka degaanka.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com