Muqdisho (AGGM): Cillad farsamo oo ku timid diyaarad uu saarnaa madaxweynaha Soomaaliya ayaa kalliftay inay dib ugu laabato garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa u socday caasimadda Koonfurta Sudan ee Juba.
Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yarisow) oo la socday wafdiga madaxweynaha ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay dhacdada, wuxuuna tilmaamay in mid ka mid ah labada matoor ee diyaaradda uu cilladoobay xilli ay diyaaradda hawada ku jirtay qaddar 20 daqiiqo ah.
Injineer Yarisow ayaa carrabka ku dhuftay inay saacadaha soo socda dib u duuli doonaan.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galaya dabaaldegga xuska sanad-guurada labaad ee xorriyadda Koonfurta Sudan.
Wuxuu sidoo kale maanta wada-hadallo kula qaadan doon Jubba dhiggiisa, Salva Kir.
Labada hoggaamiye ayaa la sheegay inay ka wada hadli doonaan arrimo khuseeya xiriirka labada dal, maalgashiga Soomaalida ee Jubba, iskaashiga gobolka iyo dib u dhiska Soomaaliya.
Waa booqashadii ugu horreysay oo madaxweyne Xasan uu ku tagayo Koonfurta Sudan oo labo sano ka hor ka go’day waqooyiga Sudan.
[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/07/Voice_029.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com