Muqdisho(AGGM): Ergaygga Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramadda Middobay u Qaabilsan Soomaaliya, Nikolas Kay, ayaa ka naxay dilka magaaladda Gaalkacyo loogu geestay Liibaan Cabdullahi Faarax “Liibaan Qaran” oo ahaa wariye u soo warami jiray Telefishinka Soomaali Kalsan, kaas oo fadhigiisu aha magaaladda Gaalkacyo.
Warar ayaa sheegaya in Marxuum Liibaan latoogtay xalay asaga oo ku soo noqonaayay gurigiisa kadib markuu ka yimid goobta shaqada.
Dilkani waa kii shanaad ee loo geesto suxufiyiinta isla sanadaan 2013 dhexdeeda, sidaas darteed Soomaaliya weli waxay sii tahay meelaha oogu khatarsan dunida ayna ka howlgalaan suxufiyiinta. Ergaygga Gaarka ah waxa kale ee uu timaamay in xiligaan uu yahay xilli siyaasad ahaan ay kacsantahay Buntland maadaama ay soo socdaan doorashooyinkii deegaanadda. Sidaas darted, wuxuu Ergaygga Gaarka ah oogu baaqay dhamaan garabyadda siyaasadda ku jira in ay muujiyaan dulqaad.
Waxaa kale ee uu hoosta ka xariiqay sida ay muhiim utahay dhowrista Suxufiyiinta iyo Difaacidda Madax banaanidda war baahinta.
Ergaygga Gaarka ah waxaa kale ee uu yiri: “ waxaan tacsi niyadda ka soo go’day u dirayaa Qoyskii iyo Saaxiibadii Liibaan Qaran iyo dhamaan Suxufiyiinta Soomaaliyeed meel kasta ha joogeene. UNSOM waxaa ka go’gan in ay la shaqayso masuuliyiinta Soomaaliyeed si loo xoojiyo qaybta Amniga iyo Cadaaladda Qaabilsan si loo xaqiijiyo in Soomaaliya ay tahay meel nabadda ah oo dadka dembiga galena la horgaynayo sharcigga.”
-—DHAMAAD—-