Kismaayo(AGGM) Wararka hoose ee laga helayo ilo wareedyo ku dhaw dhaw xarunta Laga maamulo Jabhadda Raaskambooni ayaa shaacinaya inay Maanta Cabdilaahi Shiikh ismaaciil (Fartaag) lagu wargeliyey inuu xafiiska baneeyo,waxaana la shaacinaya inay la soo xiriireen Madaxweynaha maamulka Puntland iyo horjoogaha Jabhadda Raaskambooni.
Fartaag ayaa la sheegay inuu arrintaasi walaac xoogan ka muujiyey isla markaasna ay sharuud ku xireen Axmed Madoobe Iyo Faroole isla markaasna waxaa lagu war galiyey in booska uu hadda fadhiyo loo dhiibayo nin difaacan kara hadii weeraro lagu soo qaado magaalada kismaayo.
Axmed Madoobe ayaa si cad ugu sheegey Jeneraal Fartaag in Beesha uu ka soo jeeda aysan raali ka ahayn inay Magaalada Kismaayo ku sii sugnaadaan Maamulka Jabhadda Raaskambooni ayna haddana wadaan abaabulo dagaal oo ka dhan ah Maamulkooda,waxaana la sheegay in Fartaag ay si cad ugu sheegeen in Awood qaybsigu ku imaanayo in la difaaco Magaalada Kismaayo isla markaasna uu isagu soo xeereeyo ciidamada Goob Weyn ku sugan ee ka soo horjeeda.
Sidoo kale Madaxweyne Faroole ayaa la sheegay inuu Fartaag si cad ugu sheegey inaysan degaanada degin Marexaan Ama Sade isla markaasna ay degaanka leeyihiin Beesha Kablalax oo aysan jirin cid kale oo ay wax uga ogol yihiin,waxaana uu sheegey in xilkaasi loo dhiibayo Jeneraal Darwiish oo uu ku tilmamay inuu yahay nin difaacan kara isla markaasna ciidamo heli kara wax difaaca.
Jeneraal Fartaag ayaa la sheegay in xaaladii ugu darnayd soo food saartey isla markaasna uusan hadda uusan garaneyn meel uu jiheysan doono,waxaana la sheegayaa in laga yaabo inuu codsado inuu Magaalada Kismayo sii joogo ama xil hoose loo dhiibo,waxaana arritani timid markii Axmed Madoobe tagey Magaalada Garoowe.
Faroole ayaa la sheegey inuu Axmed Madoobe si toos ah ugu sheegey haddii uu rabo tageero dhaqaale iyo mid ciidan inuu bedelo Jeneraal Fartaag isla markaasna lagu bedelo Jeneraal Maxamed Warsame Darwiish oo uu faroole u balan qaaday inuu siin doono in ka badan 1500 oo ka tirsan ciidamadii ay tababareen hay’addi Sarecan.
Ugu dambeyntii Axmed Madoobe ayaa la sheegey inuu hogaansameyn dalabaadka ka soo yeeray Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr Faroole oo isagu ah Aabaha Maamulka Raaskambooni ee laga soo aruuriyey gobollada Kilinka 5-aad Iyo Gaarisa Guubaay,waxaana la sheegaya in dhawaan xilka qaadistaasi dhici doonto marka ay Horjoogayaasha Kaambooni dib ugu soo laabtaan Magaalada Kismaayo iyagoo hadda Baaho dhaqaale looga aruurinayo degaanada Puntland.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com