Waxaan hoos kusoo gudbineynaa qoraal Sir ah oo August 18, 2009 lagu soo bandhigay Website-ka faafiya siraha fakaday ee la yiraahdo WikiLeaks, kaasoo uu aas-aaskiisa lahaa nin la yiraahdo Julian Assange, maamule iyo tifaftirana uu ka yahay nin la yiraahdo Kristinn Hrafnsson.
Macluumaadka Sirta ah ee aad arki doonto ayaa ah kuwo run ah oo ka hadlaya qorshihii qarsoonaa ee la rabay in gobolada Jubooyinka lagu qabto. Sida ku cad sirtaan fakatay, mas’uuliyiintii beesha Kablalax ee qorshihii howl-galka Jubbooyinka ku lug lahaa ayaa waxay si weyn uga soo hor jeedeen in ay beesha Sade saameyn ku yeelato ololihii Al-shabaab looga xoreynayay deegaanada Jubada Hoose.
Dhanka kale, sida aad ku arki karto qoraalka sirta ah ee howl-galadii gobolada Jubooyinka iyo Gedo ee uu soo bandhigay wargeyska Wikileaks, mileeshiyaadkii beesha Sade waxaa loogu tala galay in lagu hayo laguna maaweeliyo gobolka Gedo.
Haddaba si aad u aragto qorshaha sirta fakatay ee ay mas’uuliyiintii beesha Kablalax iyo oday dhaqameedyadooda heshiiska ugu ahaayeen ku go’doominta beesha Sade ee gobolka Gedo iyo in ay qabsadaan Jubada Hoose, kaddibna ay maamul ay ayagu iska leeyihiin uga dhawaaqaan waa kan hoose ee akhriso.
Xasuusin: Qoraalka Sirta ah oo ku qoran Ingiriis, kuna jira Link-iga hoose oo ku xiran Shabakadda WikiLeaks ayaa waxaa Af-Soomaali ku turjumay Cabdi Faarax oo ka mid ah wariye yaasha Shabakadda Allgedo Online. Ciddii rabta in ay qaadato warkaan waa u banaan tahay, balse waa in warka oo uu ku jiro XASUUSINTAAN aan waxna laga bixin waxna lagu darin oo sida uu yahay loo qaato loona daabaco, ayada oo waliba la xusaayo isha warkan iska leh oo ah shabakadda Allgedo Online.
Waa kan hoose Link-iga uu ku jiro warka Sirta ah ee la xariira howl-galadii Jubooyinka iyo Gedo oo af Ingiriis ku qoran kuna xiran shabakadda Wikileaks:
http://wikileaks.org/cable/2009/08/09NAIROBI1732.html
Waa kan hoose Sirta ay soo bandhigtay shabakadda Wikileaks ee la xariira howl-galadii Jubooyinka iyo Gedo oo af Soomaali loo turjumay:
¶1. (C) (C) Soo koobid: Duulaanka ay Dowladda Ku Meel Gaarka ah ka danbeyso ee ujeedkiisu yahay in Al-shabaab looga saaro Kismaayo, ayaa u muuqda in uu horay u socdo, laakiin loolanka Itoobiyaanka iyo qabiilka Mareexaanka ee ku wajahan Jubbooyinka ayaa sii murjin kara arrinta.
Gaandi oo ah wasiirka difaaca dowladda Ku Meel Gaarka ah ayaa sheegay, in ay dowladda Ku Meel Gaarka ah la xariirtay xubnaha saameynta ku leh arrimaha Juba oo ay ka mid yihiin Axmed Madoobe iyo Ibraahin Shuki, si la’isugu dayo in loo dhameeyo wixii qilaaf ah ee u dhaxeeya isla markaana ay u wada shaqeeyaan. Gaandi ayaa waxuu yiri ”Madaxweyne Shariif si weyn buu u taageeray qorshaha, kaasoo si hoose ay uga warqabto dowladda KMG ah. Xoogagga ka howl-gali doona Jubada Hoose ayaa waxay ka koobnaan doonaan Miliishiyaadka Qabiilka Kablalax ee ka tirsan beesha Daarood, laakiin laguma dari doono miliishiyaadka qabiilka Mareexaan oo isna ka tirsan beesha Daarood ee kasoo jeeda gobolka Gedo.
Gaandi waxuu noo sheegay, in ay dowladda Ku Meel Gaarka ah ay wadahadal la leedahay Kenya si ay u taageerto qorshaha. Dhowr qof oo aan ku leenahay Jubada hoose oo aan la xariirnay ayaa waxay noo sheegeen in ay u maleynayaan in qaar hogaamiye-yaasha Mareexaan ka mid ah ay isku dayayaan in ay jaho wareeriyaan Keenyaanka ayaga oo u sheegaya in uu Mareexaanku aqbalay in uu ka qeyb qaato qorshaha ka socda Jubada hoose si loo qabto Kismaayo.
Qorshaha Gaandi
¶2. (C) Intii lagu jiray August 15, mar Gaandi oo ah wasiirka Difaaca dowladda Ku Meel Gaarka ah uu la hadlay unug Soomaali ah ayaa waxuu u xaqiijiyay in saameynta dowladda Ku Meel Gaarka ah ay keentay in lagu horumariyo qorshaha Absame ama Kablalax ee ka tirsan beesha Daarood si loo qabto Kismaayo meelna la’isugu keeno cududda Jubada hoose.
Gaandi ayaa waxuu yiri “Dowladda Ku Meel Gaarka ah waxay bilowday in ay xubnaha muhiimka ah ee ay quseyso arrimaha Jubaland la hadasho March, ayada oo ay xubnahaasna ka mid yihiin kuwa hogaamiya Raas Kaambooi sida: Axmed Madoobe iyo Ibraahim Shukri, si la’isugu dayo in loo heshiisiiyo wixii khilaaf ah ee u dhaxeeyana loo dhameeyo, dabadeedna ay si wada jir ah u wada shaqeeyaan.”
Gaandi waxuu yiri “Madaxweyne Shariif si weyn buu u taageeray qorshaha, ayada oo ay xogtaasna si hoose u hayso dowladda Ku Meel Gaarka ah.” Gaandi waxuu yiri “duulaanku waa in la qaadaa inta ka horeysa bartamaha bisha Oktoobar si looga faa’ideysto hawada oo waqtigaan ay dhib ku tahay Al-shabaab in ay dekedda Kismaayo gurmad ka helaan. Xoogagga Jubbada Hoose qabanayo waxay ka koobnaan doonaan mileeshiyooyin kasoo jeeda beesha Kablalax oo ka tirsan beesha Daarood, laakiin looma ogola in ay qorshahaan looga howl galayo Jubbada Hoose ay ka qeyb qaataan mileeshiyada kasoo jeeda beesha Mareexaan ee kasoo jeeda beesha Daarood.” Gaandi waxuu yiri “waxaa si weyn la’isula meel dhigay in beesha Mareexaan oo ka qeyb qaadata qorshaha lagu qabanayo Kismaayo ay tahay arrin aad qatar u ah, sidaas awgeed, Mareexaanka looma ogola in ay Kismaayo tagaan.”
Gaandi waxuu ”Mileeshiyada Ogaadeenka oo la shaqeyneysa hogaamiye-yaasha Mareexaanka ayaa laga yaabaa in ay aadaan Gedo si ay gacan u siiyaan maleeshiyada Mareexaan ee ka dagaalamaya gobolka Gedo, laakiin, talaabadani waxay dhici kartaa oo kaliya haddii laga fursan waayo, sababtuna waa ayada oo ay labadaan beelood ee ka wada tirsan Daaroodka uu muddo dheer u dhaxeeyay qilaaf aad u xoogan.”
Gaandi waxuu yiri “Bare Hiiraalaha ay Itoobiyaanka isticmaalayaan oo kasoo jeeda beesha Mareexaan ee ka tirsan beesha Daarood iyo General Morgan oo asna ka tirsan beesha Harti/Kablalax ee ka tirsan beesha Daarood midkoodna lug kuma yeelan doono qorshe-yaasha ka socda Gedo iyo Jubada Hoose.” Gaandi ayaa sheegay in uu kalsooni weyn ku qabo Shukri sida uu dowladda KMG ah daacadda ugu yahay, laakiin Madoobe ayuu ku macneeyay in uu yahay nin “fara badan“, laakiin militarinimadiisa awgeed ay muhiim u tahay in uu qorshaha la rabo in Jubbooyinka lagu qabto uu uga mid noqdo.”
Gaandi waxuu yiri “Waxaa jira wada xaajood u socda dowladda Soomaaliya iyo Kenya, kasoo la xariira sidii loo taageeri lahaa qorshaha la rabo in Jubbooyinka lagu qabato.” Gaandi ayaa waxuu yiri “Keenyaatigu waxay diyaar u yihiin in ay na caawiyaan, laakiin qorshuhu horay buu u socon doonaa haddii ay Keenyaatiga na caawiyaan iyo haddii kaleba.” Gaandi ayaa waxuu AMISOM ka rajeeyay in ay duulaanka lagu qaaayo Jubbooyinka gacan uga qeyb geysan doonaan dhinacyada madaafiicda goobta iyo dhanka hawada oo ay diyaaradaha dagaalka ka caawin doonaan.
Dhacdooyin lagu soo bandhigay aragtida Madoobe ee la xariirta qorshaha dhexe ee Ogaadeenka
¶3. (C) August 12, Unug Somali ah (Somalia Unit) PolOff ayaa la kulmay Cabdi Cali Raage, kaasoo ah nin dhalasho ahaan aad ugu dhow Axmed Madoobe, asaga oo mar dhow kasoo noqday dhowr maalmood oo uu lasoo joogay Axmed Madoobe oo jooga magaalada Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose. Raage waxuu u gudbiyay PolOff fekredaha Madoobe iyo waxyaabihii uu dhawaan qabtay. Qiyaastii, 6 bilood ka hor dhamaadkii March inta uusan Madoobe u noqon Jubada Hoose, hogaamiyaha Raas Kaambooni, Xasan Al-Turki waxuu sameeyay in uu dekedda Kismaayo awood qeybsi ugu sameeyo Al-Shabaab iyo Raas Kaambooni/Xisbul Islaam. (Xasuusin: Madoobe waxuu ahaa Guddoomiyihii magaalada Kismaayo wakiilka uga ahaa Golihii Maxaakiimta oo ay qabteen, dabadeedna xireen Itoobiyaanka markii Maxaakiimtii la jabiyay oo ay Kismaayo ka carareen sanadii 2006. Madoobe ayay Itoobiyaanka xabsiga kasoo daayeen kaddib markii uu madaxweyne Shariif safar uu Addis Ababa ku tagay uu madaxda Itoobiyaanka kala hadlay si loo sii daayo.)
Madobe ayaa waxuu ka mid noqday xildhibaanadii baarlamaanka Soomaaliya lagu kordhiyay January 2009. Xildhibaanimada ayaa waxuu iska casilay April 2009, waxuuna wixii intaas ka danbeeyay ku sugnaa Jubada Hoose.
Turki waxuu hogaanka sare ee Al-shabaab ee Kismaayo ka dhigay nin aan Ogaadeen aheyn, taasoo qasab uga dhigtay hogaamiye-yaasha Raas Kaambooni ee qabiilka Ogaadeenka in ay noqdaan ku xigeen. Tani waxay keentay in talo dib loola noqdo Madoobe falka uu Turki ku kacay ee la xariirta hogaanka sare NAIROBI 00001732 002 OF 003 allegiance was to al-Shabaab.
Heshiiskii Dekeda Kismaayo ayaa waxuu dhigayay in dakhliga dekedda kasoo xarooda ay 30% in ay qaataan Al-Shabaab, 30% in la siiyo isku xirka maamulada Raas Kaambooni/Al-Shabaab, 30% in la siiyo Raas Kaambooni, iyo in 10% la siiyo kooxda Anole. (Xasuusin: Kooxda Anole (the Anole group) waa qeyb ka tirsan Xisbul Islaam oo ka kooban mileeshiyooyinka beelaha Harti iyo Absame oo labadaba ka tirsan beesha Kablalax ee hoos tagta beesha Daarood. Si kastaba ha ahaatee, ugu danbeystii, mileeshiyada Raas Kaambooni waxay dakhliga dekedda qeyb uga heshay oo kaliya 2%, taasoo keentay in ay dhalinyaradii Ogaadeenka ahaa u goosteen Al-Shabaab.)
¶4. (C) Markii uu Madoobe u noqday Jubada Hoose dhamaadkii March, waxaa si weyn usoo dhaweeyay oday dhaqameedyadii beesha Ogaadeen. Markaasi ayay Al-shabaab bilaabeen olole ay Turki uga dhaadhicinayeen in aanan Madoobe la aamini karin. Al-Shabaab waxay Turki weydiisteen in aanan Madoobe loo ogolaanin in uu ka mid noqdo madaxda Raas Kaambooni muddo saddex bilood ah, ayaga oo ku doodaya in ay suurta gal tahay in ay Itoobiyaanka kusoo shubteen feker ayaga u adeegaya mudadii uu u xirnaa. Laakiin, odayaasha beesha Ogaadeen ayaa iyana waxay Madoobe ka dhaadhicinayeen in laga rabo in uu mar walba danta qabiilkiisa ka hor mariyo xiriirka uu la leeyahay Al-shabaab. Waxii markaa ka danbeeyay, Madoobe waxuu bilaabay in uu aado Kismaayo si uu u abaabulo jifooyinka hoose ee qabiilooyinka si uu gacan uga helo. Si uu uga hortago dacaayadaha liddiga ku ah ee ay wadaan Al-shabaab, Madoobe waxuu isku duba riday qabiilkiisa Ogaadeen si uu taageero uga helo, asga oo isla markaana iska casilay shaqadii uu dowladda Federaalka u hayay.
Markii ay Al-shabaabka Kismaayo Muqdisho u qaadeen mileeshiyaadkii Raas Kaambooni ee usoo galay si ay uga qeyb qaataan weeraradii ay Al-shabaab Muqdisho ka wadeen, qabiilka Madoobe ee Ogaadeen waxay aad uga walaaceen qorshaha ay Al-shabaab rabto ee ah in mileeshiyada Ogaaden lagu xoreeyo Muqdisho, dabadeedna markii muraadkii la rabay laga gaaro meel cidla ah looga tago. Madoobe oo ka faa’ideysanaya dareenka ay qabaan odayaasha beeshiisa ayaa la xariiray kuna qanciyay mileeshiyadiisii hore oo Muqdisho ku sugan in ay dib ugu soo noqdaan Jubada Hoose si ay uga qeyb qaataan duulaanka lagu qaadayo Kismaayo. Wixii baaqaas ka danbeeyay, Madoobe waxuu sheegay in 80% taageere-yaashiisa ay dib uga soo noqdeen Muqdisho, yimaadeena Jubada Hoose. Kaddib hal bil oo uu shir ka socday Afmadow, Raas Kaambooni dib bay isu qaabeysay waxayna hogaamiye u dooratay Madoobe, madaxa arrimaha gudahana waxaa loo doortay Shukri. Madoobe, Shukri iyo xulufada mileeshiyadooda ayaa waxay sheegeen in ay gacanta ku hayaan oo ay maamulaan Afmadow (oo ay ku jirto Dhobley), Badadee, iyo galbeedka Jilib, isla markaana ay diyaar u yihiin in ay Al-shabaab ku jabiyaan Kismayo, Jimaame, iyo bariga Jilib.
¶5. (C) Madoobe ayaa la sheegay in uu rabo in uu Al-shabaab ka saaro gobolada Jubboooyinka, dabadeedna uu noqdo madaxweynaha maamul goboleedka Jubbada Hoose ee ku xiran dowladda Ku Meel Gaarka ah. Sida uu sheegay Raage, Madoobe waxuu sheegay in uusan fileynin in ay dowladda Ku Meel Gaarka ah fahantay go’aanka Madoobe ee ah inuu aado Muqdishu, in kastoo Madoobe uu u xaqiijiyay Gaandi inuusan aadi doonin Muqdishu si uu ugu dagaalamo dowladda Ku Meel Gaarka ah. Raage waxuu noo sheegay in uu Madoobe aqbali doono haddii ay dowladda Ku Meel Gaarka ah siiso jago wasiirnimo, laakiin uu codsan doono in uu madax ka noqdo maamulka Jubaland markii Kismaayo la qabto. Madoobe waxuu sheegay in uusan dooneynin in uu si cad ugu dhawaaqo ujeedkiisa ah in uu ku xirmo ama uu gacan siiyo dowladda si dhaqsiyo ah, maxaa yeelay, haddii ay taasi dhacdo waxay Al-shabaab u noqon doontaa aalad hor leh oo ay dacaayadooda kor ugu sii qaadaan, laakiin Raage ayaa waxuu sheegay in mileeshiyaadka beesha Kablalax ee ka tirsan beesha Daarood in ay taageeri doonaan qorshahiisa markii dekedda la qabto ujeedkii hanashada awooda beeshana la gaaro.
Arrimaha la xariira maamulka Jubaland oo si taxadir leh loo wadi doono (Aragtida Madoobe)
¶6. (C) August 12, Oday dhaqameedyada beesha Kablalax ee ka tirsan beesha Daarood ee sida weyn uga shaqeynayay sidii ay u suurta gali laheyd dhalashada maamul goboleedka Jubaland oo la kulmay PolOff ayaa waxuu warbixintiisii hore ku daray xiriirka ay la leeyihiin Madoobe. Waxay yiraahdeen in ujeedkoodu yahay sidii ay u suurta gali laheyd abuuritaanka maamul goboleed ku xiran dowladda Ku Meel Gaarka ah. Waxay rajeynayaan in uu maamulkaas madaxweyne ka noqdo Madoobe markii lagu guuleysto qabashada Kismaayo. (Xasuusin: Warbixinadii hore ee isla ishan laga helay ayaa waxay noo sheegayeen in durbaba Madoobe loosii doortay in uu maamul goboleedka Jubaland madax ka noqon doono.)
Hogaamiye-yaasha qabiilka Kablalax ee ka tirsan beesha Daarood ayaa waxay sheegeen in maalinta Kismaayo la qabto laga rabo in uu Madoobe ku dhawaaqo in uu qeyb ka yahay oo uu taageersan yahay dowladda Ku Meel Gaarka ah, haddii uusan sidaas yeelina waxuu lumin doonaa taageerada ay u hayso beesha. Hogaamiye-yaasha beesha Ogaadeen ayaa lasoo wariyay in ay aaminsan yihiin, haddii ay Ogaadeenka ku guuleystaan hogaaminta maamulka Kismaayo in taasi loo fasiran karo in ay keeni karto inuu Ogaadeenka si weyn uga dhex muuqdo xubnaha ay ku yeelan karaan dowladda Ku Meel Gaarka ee heer wasiirnimo, iyo wada xaajoodka siyaasadeed ee la xariira maamul goboleedka Jubaland ee uu ku jiro gobolka Gedo, oo ayana aanan hadda u baahneyn in laga hadlo.
Wal-walka isa soo taraya ee saameynta Mareexaanka uu Itoobiyaanka ka danbeeyo
¶7. (C) Gaandi waxuu noo sheegay in uu ka wal-walsan yahay Itoobiyaanka oo xabado siineysa, isla markaana caawinaya ciidamada Barre Hirale. Waxuu yiri kulamadii dhawaan ka dhacayay Nairoobi ee u dhaxeeyay General Morgan, Barre Hirale, Ali Gedi iyo kuwo kale in ay qatar ahaayeen. Gaandi waxuu naga dalbaday in aan u sharaxno Itoobiya, in ay dowladda Ku Meel Gaarka ah jeceshahay, si la mid ah sida ay Itoobiya u jeceshahay in looga hortago oo loo jebiyo Al-shabaab. Gaandi waxuu aad uga wal-walsan yahay in faragelinta Itoobiya ay wiiqdo weerarada la rabo in Kismaayo lagu qabto.
¶8. (C) Dhowr xiriir oo aan la sameynay Jubada Hoose ayaa waxaa naloo sheegay in qaar ka mid ah hogaamiye yaasha Mareexaanka ay isku dayayaan in ay jaho wareeriyaan Keenyaatiga, ayaga oo u sheegaya in Mareexaanku ay aqbaleen in ay la shaqeeyaan xulufada garwadeenka ka ah howl galada ka socda Jubada Hoose ee la rabo in Kismaayo lagu qabto. (Xasuusin: Mareexaanka oo usoo ruqaansada Kismaayo ayaa waxaa si weyn u diidan ugana soo hor jeeda Madoobe, Shukri, iyo qabiilka Kablalax oo ka mid ah beesha Daarood ee degan Jubada Hoose, taasoo laga yaabo in uu dhaliyo qarax iyo dagaal labada beelood oo ka wada tirsan beesha Daarood ku dhex mara gobolada Jubooyinka.)
Falanqeyn (Comment)
9. (C) Gaandi ayaa duulaanka Juba ku macneeyay, marka laga soo tago farqiyada, culeyska iyo sababo jiray, iminka xaalku waxuu u muuqdaa mid caadi ah marka la eego isku dayada Madoobe oo fahankoodu ku wajahan yahay in uu qorshaha howl-galka la rabo in Kismaayo lagu qabto uu noqdo mid ay inta badan Ogaadeenku garwadeen ka yihiin. Qorshaha Gaandi iyo war bixinada aan ka heleyno xiriirada aan sameynay ee sida weyn ugu dhow Madoobe iyo Shukri ayaa waxay muu jinayaan in ay in badan isaga mid yihiin qorshaha ay Kenya wado ee ay rabto in ay kaga qeyb qaadato duulaanka ku wajahan Juba. Si kastaba ha ahaatee, Keenyaatigu, qorshahooda waxaa dheeri ku ah oo ku jira in maamulka Ahlu Sunna ee ay Itoobiyaanka taageerto loo helo qorshe lagu xooyiyo si ay weerar Al-shabaab looga xoreynayo gobolada Bay iyo Bakool uga qeyb qaataan.
Tani waxay noqoneysaa in howl galka Mareexaanka uu kula jiro Al-shabaabka gobolka Gedo uu dib u dhac ku yimaado. Qeybtaan ka midka ah howl-galka kama muuqaneyso in ay ka hor imaaneyso dadaalka loogu jiro in looga howl galo Juba. Si kastaba ha ahaatee, waxay u muuqataa in ay isa soo tarayaan wararka sheegaya in ay Itoobiyaanka Mareexaanka u isticmaalayaan dagaal liddi ku ah kan ay Ogaadeenka ka wadaan Jubada Hoose. Dib u dhacaan ayaa waxuu u eg yahay in dhinacyada matalaya danaha Mareexaanka iyo/ama Itoobiyaanka in ay matalayaan Keenyaanka, taasoo aan rumeysanahay in ay in yar ka fahansan yihiin qaabka ay qabiilooyinka ku dhaqan Juba u qaabeysan yihiin, isla markaana xog qalad ah ka heleen nooca qaab u fekerka iyo wada shaqeynta dhex mari kara qabiilooyinka Mareexaan iyo Ogaadeen, si ay u suurtagasho qabashada magaalada Kismaayo. RANNEBERGER.
——————–
Qoraalka la turjumay oo af Ingiriis ku qoran waxaa turjumay:
Cabdi Faarax oo ka tirsan weriye-yaasha Shabakadda Allgedo Online
farah600@gmail.com
Source: AOL
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com