Cabdi Iley Oo Si Qarsoodi Ah Ciidamo 500 Askari Ah Kismaayo Ku Soo Galiyey

0

181266_10151477539766089_2046390439_nKismaayo(AGGM) Maamulka Soomaalida Itoobiya  ayaa la shaaciyey inay maalmihi la soo dhaafay gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Kismaayo la shaacinaya inay ciidamo badan si qarsoodi ah ku soo galiyeen maalmihi la soo dhaafay,waxaana la sheegayaa in ciidamadaasi ay soo mareen dhinaca xaduudka kiiniya isla markaasna ay ka soo gudbeen dhinaca Dhooblay.

Ciidamadan ayaa la sheegay in loo sheegey inay ka soo gudbeen xaduudka ay wadaagaan Kiiniya iyo Itoobiya iyagoo soo raacay xaduudka dhinaca Mandheera isla markaasna u gudbay dhinaca gudaha kiiniya kala soo galay dhinaca Dhooblay,waxaana la sheegayaa in ciidamadaasi tiradoodu kor u dhaafeysay 500 oo askari.

Ciidamadan ayaa la sheegay inuu markii hore qorshahoodu ahaa inay soo dhexmaraan gudaha Gobolka Gedo isla markaasna waayeen Horgal dhexmariya gudaha Gobolka Gedo isla markaasna tusa wadooyinka ay adeegsanayan ayaa la sheegay inay cabsadeen kana war heleen in ciidamada dawlada ee gobolka Gedo ay u diyaar garoobeen.

Ciidamadan ayaa la xaqiijiyey in ciidamada dawlada kiiniya ee ku sugan Kismaayo aya gaadiid kaga soo daabuleen gudaha dhinaca waqooyi Beri dalka Kiiniya halkaasi oo ay ka soo gudbiyeen isla markaasna ku soo qaadeen gaadiidkooda,waxaana la sheegay inay saraakisha ciidamada kiiniya ku qaateen soo gudbinta ciidamadaasi dhaqaale aad u tiro badan.

Cabdi Maxamuud Ilay oo dawlada Itoobiya hadda ka hor digniin kulul u jeedisay ayaa la sheegayaa inuu dhegaha ka fureystey digninahaasi,waxaana la xaqiijiyey in ciidamadaasi ay ku soo baxeen amarkiisa isla markaasna waxaa la sheegey inaysan dawlada itoobiya ee federaalka ahi ka war hayn.

Ciidamadan ayaa hadda ku sugan garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo halkaasi oo loogu qaybiyey tuutaha ciidamada Jabhadda Raaskambooni ee ku sugan magaalada Kismaayo,waxaana dadka shacabka ahi si toos ah u shaacinayaan in Kismaayo lagu soo duulay isla markaasna wadamo shiishiiye gacanta ay u gashay.

Ugu dambeyntii lama yaqaan sida dawlada federaalka ah ee Itoobiya talaabo uga qaadi doonto arrimaha Magaalada Kismaayo ee ku aadan ciidamada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya u soo direen gudaha dalka Soomaaliya,taasi oo sabab u noqon karta inuu xilkiisa ku waayo Cabdi Maxamuud Ilay oo hadda ka hor dawlada Itoobiya digniin kama dambeys ah u jeedisay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com