Kismaayo(AGGM) Xaalada Magaalada Kismaayo ayaa saaka kacsan ka dib markii laga war haley in boqolaal ciidamo cusub ah oo kuwa dawlada federaalka ahi saacadihii la soo dhaafay gaareen duleedka Kismaayo iyagoo toos ugu biiray ciidamadii Col Bare Aadan Shire,waxaana Magaalada ka taagan xaalad cabsiyeed.
Ciidamadan ayaa imaanaya xilli digniin kulul dawlada kiiniya ciidamadeeda loo jeediyey iyadoo lagu amray inaysan dagaallada ka socda Jubooyiinka ka qayb qaadan,waxaana la shaacinaya inay ciidamadasi hadda wadaan dhaqdhaqaaqyo ay dib ugu laabanayaan gudaha kismaayo.
Ugu dambeyntii Jabhadda Raaskambooni ayaa la sheegaya inay difaacyo ka qoteen gudaha kismaayo iyadoo ka cabsi qaba in weeraro lagu qaado,waxaana wararku sheegayaan in waxgaradka kismaayo ka codsadeen inay kismaayo banankeeda difaac ka xirtaan isla markaasna shacabka dagaalka kala dhex baxaan,waxaana la sheegay inay arrintaasi ka biyo diideen.
Wararka Ka Soo kordha kala soco Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com