Garoowe(AGGM) Waxaa hadda gudaha magaalada Galkacayo si bareer ah loogu toogtey alle ha u naxariistee Cabdi Faarax oo ah masuul ka tirsan Hay’adda INXA ee ka shaqeysan arrimaah xuququl islaanka,waxaan la sheegayaa in kooxo bistoolado ku hubeysan ku toogteen bartamaha Magaalada Galkacayo.
Dilkan ayaa la sheegayaa inuu dhacay xilli dadku afurrada u diyaar garoobayeen isla markaasn Marxuumkani ku sii jeeday gurigiisa waxaana la sheegay in marxuumkan la toogtey xilli uu ku socday hoygiisa uu u afuro tagi lahaa,waxaana la sheegayaa inay baxsadeen kooxdii dilkaasi fulisay.
Alle ha u naxariistee Cabdi Farax oo INXA u qaabilsanaa Puntland ayaa sidoo kele ka mid ahaa guddi dhawaan loo soo xulay in uu qayb ka noqdo 9 xubnood ee loo xilsaaray kormeerida doorashooyinka Puntland. Waxaana la sheegaya in dilkiisa ay fuliyeen kooxo dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bistoolado.
Ugu dambeyntii dilkan ayaa noqonaya kii labaad ee mudo Asbuuc gudihiisa ka dhaca gudaha Magaalada Galkacayo,waxaana dhawaan gudaha magaalada galkacayo lagu toogtey Wariye Soomaaliyeed oo si weyn looga wada yaqaanay degaanada Puntland kaasi oo ay dilkiisa fuliyeen kooxo bistoolado ku hubeysanaa.Waxaana loo badinayaa inay dilalkaasi yihiin kuwo ay soo qorsheynayaan falaagada Alshabaab oo inta badan bartilmaameedsada dadka biri ma geydada ah.
Isha Ku hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com