Kismaayo(AGGM) Ciidamada xooga dalka Soomaaliya iyo Falagaada Alshabaab waxaa degmada Awdiinle ee gobolka Bay ku dhexmarey Dagaal aad u culus kaasi oo la sheegey inay ka dhasheen khasaare labada dhinac soo kala gaaray,waxaana wararku intaasi ku darayaan inay weerarka soo qaadeen Falaagada Alshabaab.
Kooxda Alshabaab ayaa la sheegaya inay weerarkaasi ku soo bartilmaameedsadeen ciidamada dawlada federaalka ah farisiin ay ku leeyihiin duleeda Magaalada Awdiinle,waxaana halkaasi ka qarxay dagaal saacado socday isla markaasna ay ka dhasheen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Maxamed Shiikh Cabdulahi oo ah Gudoomiyaha Degmada Awdiinle ayaa shaaciyey in ciidamadoodu dagaalkaasi ay iska difaaceen isla markaasna ay kooxda Alshabaab dib ugu ruuxeen degaanadii ay dagaalka soo qaadeen,waxaana wararku sheegayaan in maydad ka tirsan falaagada Alshabab laga helay meeshii dagaalku ka dhacay.
Waxaana uu gudoomiyihu yiri ”Kooxihii nabad diidka ee Al-Shabaab ayaa xalay weerar nagu soo qaaday abaarihii 10:30, waana iska caabinay, waxaa ka dilnay labo ruux,waxaana ay qaateen dhaawac badan,insha allaah waanu ka daba tageynaa sidi aanu soo afjaro inaysan weeraro dambe dib ugu soo qaadin degmada Awdiinle ”.
Dhinaca kale Dagaalkan ayaa la sheegay inay ku dhinteen in ka badan 4 ruux iyadoo la sheegayo inuu sababay dhaawac aad u tiro badan kaasi oo qaarkood lagu daaweynayo isbitaalka degmada Awdiinle oo ay daawo yaraani dhibaato xun ku hayso,waxaana la sheegaya in dhaawaca qaarkood loo qaaday Magaalada Baydhabo.
Ugu dambeyntii waxaa hadalkan imaanaya xilli ay Alshabaab shaaciyeen inay dagaalada ay ka wadan dalka soomaaliya ay laba jibaarayaan isla markaasna ay dhibaato u geysanayaan shacabka Soomaaliyeed hada wada qaraxyo iyo dhibaatooyin kale kuwaasi oo shacab badan ku waxyeeloobeen.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com