Dowladda Soomaaliya Oo Mushaar U Qeybisay Ciidamada Ku Sugan Gobolada Bay, Bakool iyo Gedo.

0

gedo15Muqdisho (AGGM): Mushaar  qeyb ka ah ballan-qaad ay horay wasaarrada gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya ugu sameysay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta loo qeybiyay ciidamo ka badan 2,000 oo askari oo ku sugan gobollada Gado, Bay iyo Bakool.
Ciidamada mushaarka loo qebiyay oo ah kuwa dhawaan gadood ka sameeyay gobollada Gado, Bay iyo Bakool, iyaga oo isaga soo dhaqaaqay difaacii ay kaga jireen qeybo ka mid ah sadaxda gobol.
Wasiirrka wasaarrada gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya ayaa horay u balanqaaday in ay joogteyn doonaan mushaaraadka ay siinayaan ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobollada dalka Soomaaliya.
Isku soo wada duuboo dowladda ayaa dadaal waxa ay ugu jirtaa sidii gobollada dalka oo dhan u gaarsiin lahayd Mushaaraadka Ciidamada,waloow ay jiraan cabasho mushaar la’aan ah oo ka imaanaysa ciidamada dowladda ee ku sugan gobolada Hiiraan iyo Galguduud.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com