Asbuucaan waxaa kadhacay Nairobi shir ay isugu yimaadeen raysul wasaarayaal hore xildhibaano hada iyo kuwa hore ee Soomaaliyeed iyo kuwo Kenyaan ah. Inta aan kamaqalnay ahmiyada shirku waxuu ahaa in lagu amaano Kenya loona raad gado xad gudubyada ay ka geysatay Somaalia iyo damaceeda dhul iyo bad boobka ah.
Meesha shirkaas aad loogu amaanay Kenya, shacabka Soomaliyeed gudaha iyo dibadaba waxay dhigeen mudaharaadyo lagu canbaaraynayo loogana soohorjeeedo gardarada Kenya aykuhayso dalka Soomaaliya. Waxaa udanbeeyay banana bixii Washington kadhacay is la maalintii shirka qiyaamada qaranku Nairobi ka dhacay.
Taas waxay markhaati u tahay kala duwanaan shaha shacabka soomaaliyeed iyo raga meesha lagu shiriyay. Sida la og yahay waxaa wali magaalada kismaayo banaanka kajooga shacab soomaaliyeed oo ay Kenya kabarakicisay guryahoodii dadkii ayku dhaawacdayna wali mabuskoon.
Xadkudubka dawliga ah na waxaa kamid ah xarigii ay ugaysatay wasiirada iyo tali ya yaasha ciidamada xooga dalka soomaliya. Ujeedada Kenya ay waxaas oo xadgudub ah ugu samaynayso Somalida dalkeeda gudihiisa waxaa weeye in ay boobto dhul iyo bad Somaliyeed.
Khiyaanada ay ragaasu galeen waxaa kamid ah in ay Kenya ku amaaneen dhibaatada ay ugaysatay dadka iyo dalka Soomaliya. Cambaaraynayaana shacabka soomaaliyeed ee kadhiidhiyay gardarada kumaysiga madow.
Cali Qaliif baa aad uga xumaaday Soomali calanka Kenya gubay, wuuna cambareeyay. Waa yaabe calanka Kenya Madhiiga shacabka Soomaaliyeed baa uga muhiimsan Cali.
Kenya Taaktikadii Ethopia bay ciyaaraysaa oo ahayd in dawlada Soomaliya dad soomaaliyeed lagu dumiyo, shirkaana dantaas bay kalahayd.
Tan kale ragaan qaarkood horay qaranka danbiyo ugagaleen. Waxaa dad badan og yihiin in dawladii Cali Mahomed Geedi ay ahayd tii ciidama Ethiopia calanka ugataagtay wasaaradii gaashaan dhiga soomaaliya ee xamar.
Dawladii Cumar C/rashiir na bada Soomaliya watii Kenya usaxiixday, ilaa hadana wuxuu kuhawlan yahay sidii uu arintaas uxaqiijin lahaa. Waxaa la ogyahay hawshii uu Kimaayo kahayay ayadoo ay Kenyanku ku ilaalinayeen markay madaxda qaranka xirayeen.
Guntii iyo gunaanad kii Soomaalida iyo dawladooda waxaa uyaal in ay difaacaan dalka iyo dadka. loo ogalaan Kenya in ay sii haysato dalkeena oo meeshii Ethiopia lamariyay lamariyaa, ogaadana ayadaa ka nugul.
W/Q: Hussein Qurac
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com