Gudoomiye Gardhuub Oo Ka Hadlay Qaraxyo Xalay Ka Dhacay Degmada Xamarweyne

0

gardhuub-466x350Muqdisho(AGGM) Maamulka degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in aysan howlohooda hakad galin doonin qaraxyo habeenkii xalay ka dhacay dagmadaasi.

Gudoomiyaha degmada Xamarweyne C/llaahi Sahal Gardhuub oo la hadlay Saxafada ayaa ka warbixiyay Bam gacmeedyo xalay lagu tuuray xaafado ka mid ah degmadaasi, isagoo ku eedeeyay iney ka dambeeyaan qaraxyadaasi kooxaha nabad diidka ah,

‘’Ma jirto cid wax ku noqotay qaraxyadaasi waxaana lagu tuuray ciidankii xalay roondada ahaa, amaanka degmada waan ka shaqeynay intii aan kari karnana waan dadaalnay,’’ Ayuu yiri guddoomiyaha degmada Xamarweyne C/laahi Sahal Gardhuub.

Gudoomiyaha ayaa intaa ku daray in degmada ay ka howlgalaan ciidamo isugu jira Nabadsugid iyo Booliis,  isagoo shacabka degmadana ku amaanay sida wanaagsan oo ay dhinaca amniga ugala shaqeeyaan ciidamada.

Hadalka gudoomiyaha ayaa imaanaya xilli Labo Bam gacmeed oo aan qasaare geysan xalay lagu tuulo xaafad ka mid ah degmada Xamarweyne, waxa uuna rajo wanaagsan ka muujiyay in gacanta lagu soo dhigidoono dhagar qabayaashii ka dambeeyay qaraxaasi.

Ugu dambeyntii Degmada Xamarweyne ayaa maalmahan ka taagnaa Falal amaan darro oo ay wadeen kooxda Alshabaab isla markaasna ku dhibaateynayeen shacabka degmadaasi ku dhaqan,waxaana arrintaasi wax ka qabashadeeda ku hawlanaa ciidamada booliska dawlada federaalka ah ee soomaaliya .

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com