Maxamuud Sayid Aadan Oo Karbaashay Saxafada Habawsan Kana Hadlay Arrimaha Kismaayo,(Dhageyso)

0

maxamuud-sayid-aden1Kismaayo(AGGM) Maxamuud Sayid Aden oo ka mid ahaan jirey Xildhibaanadii Baarlamaankii KMG ee Soomaaliya, haatana ah Madaxa Howl gelinta Ciidamada Gobolka Gedo oo Wareysi dheer siiyey Warbaahinta Allgedo ayaa ka hadley arimo badan oo ay ka mid yihiin booqasho dhowaan uu ku tagey Baydhabo oo warbaahinta qaarkeed ay u fasirteen inuu halkaasi u tagey wada xaajood ku saabsan sidii Gobolka Gedo uu uga mid noqon lahaa Maamul Goboleed la baxay  Koonfur Galbeed oo la doonayo in ay ku midoobaan Gobolada Bay, Bakool, Gedo iyo Sh/hoose, waxaana uu sheegay wararkaasi in ay yihiin kuwo been ah.

“Sababta aan u tagney aniga iyo madax ka tirsan Dowlada Soomaaliya gobolka Bay waxay la xariirtey xaflad loo qabanayey Ciidamada Itoobiya ee ka baxay Baydhabo, mana jiraan wax maamul Goboleed ah oo aan ka hadalney, fikirkeygana waa in la’is raaciyo Gedo iyo Jubooyinka, balse midka Axmed Madoobe uu madaxka ka yahay ma ahan mid la’isku raacsan yahay,” ayuu yiri Maxamuud Sayid oo aad uga careysan warar lagu baahiyey Website-yada qaar.

Maxamuud Sayid Aden ayaa yiri “sababta ciidamada Itoobiya ay uga baxeen Baydhabo waxay la xariirtay sidii ay gacan nooga siin lahayd dib u xoreynta deegaanada kale ee ka maqan gacanta Dowlada oo labada Dowladoodba ay horey ugu heshiiyeen in ay si wada jir ah uga wada howl-gali doonaan,” isagoona meesha ka saarey in ciidamada Itoobiya ay ka baxayaan deegaanada kale ee ay kaga sugan yihiin Gobolada Gedo iyo Bay.

Maxamuud Sayid oo la weydiiyey sida uu u arko khilaafka ka taagan Juboland iyo dagaaladii ka dhacay Kismaayo ayuu sheegay inuusan aqoonsaneyn wax Jubboland la yiraahdo, isla markaana ayan jirin meel ay ka shaqeyso, waxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay dagaaladii ka dhacay Kismaayo oo uu mas’uuliyadeeda dusha uga tuurey Maamulka Axmed Madoobe.

Hadalkani ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa xilli maalmihii ugu dambeeyey ay isa soo tarayeen warar sheegayay in ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaaliya ay duulaan ku yihiin deegaano ka kala tirsan Gobolada Gedo, Bakool iyo Bay.

[ca_audio url=”http://www.allgedo.com/audio/Wareysi_MSA.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Xigasho: Allgedo.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com