Dhagayso: Madaxweyne Xasan Sheekh "Kaalmada La Siiyo Soomaaliya Laguma Maalgelindoono Gobol Gaar Ah".

0

Madaxweyne-Dawlada-Federaalka-Soomaaliya2Muqdisho (AGGM): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasn Sheekh Maxamuud ayaa sheegey in fursadaha dhaqaale ee caalamka laga helayo aan lagu maal gelindoonin deegaanno ama gobollo gaar ah iyo dan shaqsiyadeed balse ay wada leeyihiin dhamaan shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha dalka ayaa tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ee ku hoos nool maamullada Puntland iyo Somaliland iyo guud ahaanba dalka intiisa kale ay wada leeyihiin dhaqaalaha loogu deeqo dalkeenna Soomaaliya,  isagoo shacabka Soomaaliyeed ay baahidooda si isku mid ah ugu soo gudbiisan karaan dowladooda.

‘’Waxaan rabaa shacabka Soomaaliyeed inaan u sheego kaalmada la siiyo Soomaaliya inusan laheyn gobol gaar ah iyo qolo gaar ah,  Soomaaliya oo dhan ayaa leh cid walboo Soomaaliya joogta haddii ay Soomaaliland ku nooshay haddii Puntland ku nooshahay iyo haddii ay meel kale ku nooshahayba baahideeda gaarka ah wey ka muuqaneysa’’ Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Hadalkan ayuu madaxweynuhu ka jeediyay kulan ay ka soo qeyb galeen Mas’uuliyiin ka socotay ururka Midowga Yurub oo shalay ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/07/Voice_013.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com