Dhageyso: Askari Kasta Oo Ciidamada Dawlada Ka Tirsan Mushaharkiisu Waa $ 160

0

untitled1_139861028Muqdisho(AGGM) Kulankii golaha wasiiradda maanta waxaa ka soo baxay war ay ku farxeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee dagaalada kula jira Falaagada Alshabaab & kooxaha kale ee dalka ku soo duulay,waxaana kulankan maanta ahaa mid muhiimad gaar ah u leh ciidamada xoogga ayaa lagu sheegay in mushahar go,an la siinayo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Kulankan maanta markii uu soo idlaaday waxaa saxafada la hadlay Afhayeenka Raisalwasaare Ridwaan Xaaji Cabdi,waxaana uu sheegay in kulankaasi uu ku soo dhamaday is afgarad isla markaasna waxyaabo badan looga hadlay,waxaana uu sheegay in xukumaddu balan qaaday inay ciidamada dawladda askari kasta la siinayo mushahar dhan 160 dollarka mareykanka ah.

Ugu dambeyntii kulankan waxaa uu ahaa mid ciidamada dawlada oo qaadan jiray 100 dollar hadana looga dhigay 160 dollar,waxaana xukumadu maanta meel marisay in askari kasta la siiyo mushahar ku filan si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo maadama ay dagaalo kula jiraan Kooxaha Alshabaab iyo kooxo dalka dibedda uga soo duulay.

[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/07/DHAGEYSO-SHIRKII-GOLAHA-WASIIRADA-EE-MAANTA-AFHAYEENKA-AYAA-FAAH-FAAHINAYA.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com