Muqdisho(AGGM) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa sheegay inay wakhtigan Somaliland ku dhacday booliyadii Siyaasadda oo ay ugu danbeysay 15-sanadood ka hor,waxaanu tilmaamay in xunuunkaas siyaasadeed yahay in masuuliyiinta la xag-xagto iyo in la abuurro Goleyaal ka baxsan sharciyadda dalka.
Wasiirka Warfaafintu waxa uu sidaasi ka sheegay hadal uu maanta ka jeediyay Munaasibad lagu furayay talaalka ololaha cidhib-tirka cudurka dabeysha oo maanta dalka ka bilaabmi doona.
“Booliyadii siyaasadda oo ay inoogu dambeysay 15-sanadood ka hor ayaa innagu dhacday ee taana innaga talaala.Booliyadda Siyaasaddu waa Siyaasadda deydayga, waa siyaasadda caytanta, waa siyaasadda xag-xagata dadka masuuliyiinta ah, waa siyaasadda abuurta golayaal aan jirin. waa siyaasada keenta inaynu ka shaqeyn kari-weyno, caafimaadkuna is-raaci kari-waayno, oo cidhib tirka cudurka dabeyshana ka shaqeyn kari-mayno haddii booliyada siyaasadu jirto, labada booliyaba innaga talaala,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.
Md. Cabdilaahi Cukuse ayaa ugu baaqay waalidiinta inay caruurtooda ka tallaalaan cudurka dabeysha, waxaanu yidhi “Cudurka dabeyshu (Polio) inuu xun yahay waan garanayaa, caruur dabeyli ku dhacdayna waynu aragnay, hooyada iyo aabaha waxa u wanaagsan maalin ay barooran lahaayeen inay baroorta iska baajiyaan,maalin Ciida oo caruurta kale ordeyso oo kabo loo iibanayo in caruurtooda kabo loo iibin-waayo oo ay dabeyli ku dhacdo waa inay iska baajiyaan waxa ku filan inay laba dhibcood oo talaala siiyaan, maalintaas ayaa caruurtiinu la ciidi doonta kuwa kale ILAAHAY-na ka baajin doona cudurka dabeysha”
“Inta ay ku dhacdaya dabeyshuna waxaan ILAAHAY uga baryeynaa inuu ka samata-saaro, kuwa nool iyo kuwa dhalan doonana u gurmada Ciida caruurta ha la Ciidaane laba dhibcood ee talaalka ahna la gaadha”.Ayuu yidhi Cabdilaahi Cukuse.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com