Baarlamaanka Galmudug Oo Qallinka Ku Duugay Ansixinta Golaha Wasiiradda Cusub.

0

DSC09850-620x330Galkacayo(AGGM) Baarlamaanka Galmudug  ayaa ansixiyay xubnaha golaha wasiirrada ee Maamulkaasi,   kuwaas oo uu dhawaan soo magacaabay madaxweynaha maamul Gobaleedkaasi Mudane Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid.

Golaha Baarkamanka ee Maamulka Galmudug ayaa kulan ay ku yeesheen Xaruntooda Gaalkacyo ku ansixiyay qaat ka mid ah xubnaha golaha wasiirrada ee maamul goboleedkaaasi,  kuwaas oo isugu jiray wasiirro cusub iyo kuwo Xilalkooda loo kala wareejiyay, kadib markii Cabdi Qeybdiid madaxweynaha Maamulkaasi uu isku shaandheyn ku sameeyay G/Wasiirada horraanti bishii aynu soo dhaafnay.

Guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug Xasan Maxamuud Heyl ayaa ka hadlay kulankii Baarlamanka iyo waxyaabihii ay uga hadleen oo ay ka mid ahaayeen ansixinta wasiirrada cusub, iyo guddiyo loo saaray la dagaalanka burcad badeedda isagoo hoosta ka xariiqay in la ansixiyay golaha wasiirrada cusub,  agaasimayaasha Wasaaradaha iyo gudiga qaabilsan la dagaalanka burcad badeedda.

Kulanka uu shalay Baarlamanka maamulkaasi ku ansixiyay wasiirrada cusub ayaa kusoo beegmaya xilli muddooyinkii u dambeeyayba Baalmanka Galnudug laga sugayay ansixinta wasiirrada cusub ee maamulkaasi.

Ugu dambeyntii degaanada Maamulka Galmudug waxaa ka socda arrimo badan oo wax looga qabanayo tayeynta dawlada Maamulka Galmudug halkaasi oo ay ka wadaan aqoonyahano ka soo jeeda degaanada Galmudug kuwaasi oo doonaya inay sameeyaan mashaariic wax loogu qabanayo dadka degaanka.

Ish Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com