Dhagayso: Horjoogeyaasha Maleeshiyo Beeleedka Raaskanbooni Oo Isku Dhex-yaacay?

0

seeraar-kismayoHorjoogayaasha maleeshiyo beeleedka Raaskamboonimarki iyo taageerayaashooda ayaa waxa ay ku caan baxeen inay maalinba meel u ordaan amaba u boodaan, maalinba qolo eedeeyaan, taa oo ku tusaysa inaysanba qaadi karin wax mas’uuliyad ah, aqoona u laheeyn waxa ay faraha la galeen.

Dhawaan ayay ahayd marki ay idaacadaha iyo tv-yada Soomaalida ay ka sheegayeen horjoogeyaasha iyo taageerayaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni in Jubbaland ay diidan yihiin beelaha Hawiye, maantana waxa ay leeyihiin Jubbaland waxaa diidan R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo Wasiiro ka tirsan xukuumadiisa.

Horjoogeyaasha iyo taageerayaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa waxa aysanba kala garan karin Xaraanta iyo Xalaasha, Runta iyo Beenta, taasina waxaa daliil u ah dib u raac wareeysiyadoodi hore iyo qaabka ay u jaaifeenayeen beel dhan oo ka mid ah beelaha Soomaaliyeed.

Horjoogayaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa waxa kale oo ay beryahan ka dhigteen Difaac cidii diida fikirkooda inay ku tilmaamaan Waa Al Shabaab, haddaba ma waxa ay hilmaameen in iyaga iyo maleeshiyo beeleedkooda Raskambooni ay yihiin farac ka tirsanaa falaagada Al Shabaab.

Dhinaca kale waxaa xaqiiqo ah in ay beenti iyo qiyaaligi ay isu sheegayeen horjoogeyaasha iyo taageerayasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni uu soo afjarmay arrintuna ay taagan tahay maanta runti.

Isku Soo Wada Duuboo  su’aasha isweeydiinta mudan ayaa waxa ay tahay Horjoogeyaasha iyo Taageerayaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ma shalay ayay Qaldanaayeen oo maanta ayay saxan yihiin, mise shalay ayay saxnaayeeno maanta ayay qaldan yihiin? jawaabta akhristoow adaanu kuu deeynay

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/07/Voice_0141.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com