Sir Fakatay: Maxamed Maxamuud Warsame (Jaango'an) Oo Ku Biiray Kooxaha U Ololeenaya Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni.

0

JaangoanNairobi (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ayaa waxa ay sheegayaan in hoowlo lagu manjaxaabinyo arrimaha beesha Sade ee Jubbooyinka ay ka socdaan halkaasi.

Arrimahan lagu manjoxaabinayo fikirka iyo go’aanka beesha Sade ee Jubbooyinka ayaa ragga horboodaya waxa ay isugu jiraan laba nooc oo kala ah, Kuwo doonaya inay  iyagu wax ku awr kacsadaan iyo kuwo iyaga lagu awr kacsanayo.

Hoowashan manjaxaabinta ah ayaa waxaa wada amaba aad ugu ololeenaya waa garabka iyaga doonaya inay wax ku awr kacsadaane rag ay kamid yihiin Maxamed Maxamuud Warsame (Jaango’an), Hire Jab Ari iyo Yuusuf Cade oo iyagu wata qorsho u gooniya oo ay ku doonayaan sidii ay ugu biiri lahayeen maleeshiyo beeleedka Raaskambooni..

Halka kooxda kale ay yihiin kuwo aanba ogeeyn halka laga jiro ama halka ay u socoto siyaasada waxaana ku awr kacsada taageerayaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee magaalada Nairobi.

Jaaliyada Galguduud, Gedo iyo Jubbooyinka ee dalka Kenya ayaa gabi ahaantood haddii ay lahaayeen Odoyaasha Dhaqanka, Waxgaradka, Siyaasiyiinta iyo qeeybaha kale bulshada waxa aysan ka hadli karin arrimaha ka dhacay magaalada Kismaayo iyo arrimaha ay wadaan raggan qoowlaysatada ah, kadib markii  arrintaas lagu macneeyay inay ka dambeeyaan  ciidamada sirdoonka Kenya oo ku haya Cago Jugleen xarig, Caga Jugleen in la dhacayo hantidooda iyo waxyaabo kale oo farabdan.

Sidoo kale waxaa Jira shir dhawaan ka dhacaya magaalada Jigjiga ee dalka Itoobiya oo uu soo qaban qaabiyay Horjoogaha Ismaamulka Kilinka 5aad  shirkaas oo lagu sheegay inay ku shirayaan Daarood, balse arrintaas ayaa ah mid qiyaamo iyo manjaxaabin lagula damacsan yahay beesha Sade waqtigana looga dhuminayo, Jaango’ana waxa uu doonayaa in uu koox u kaxeeysto shirkaas kuna shaqo tago.

Waxaase dadka sida wanaagsan u yaqaan Mr. Jaango’an ay sheegeen in Jaango’an waxbadan uu wax mishimayay balse maanta haddii uu arrintan faraha la galay in isaga la mishimay oo ay bahashu ku jiifto.

Dhinaca kale kooxaha taageera maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee ku sugan magaalada Nairobi ayaa waxa ay ka taagan tahay mar uun halaga maqlo idaacadaha ama halaga daawado TV-yada waxaan heshiis la galnay beesha Sade, taa oo ah wax aan caqliga galeeyn, talada iyo go’aanka beesha Sade kama go’ado dad aan fikirkooda xor u sheegan karin loona adeegsanayo ciidamada amaanka Kenya.

Isku soo wada duuboo warkan iyo qorshahan qiyaamada ah oo faahfaahsan dhawaan kala soco Allgalgaduud Media waa haddii aysan aqyaartaas  ka waantoobin dhabaha foosha xun ee ay hayaan.

Filo Dhawaan kalana soco Allgalgaduud Media xogta Shirqoolka  Nairobi iyo Jigjiga.

Maxamed Saciid Guuleed
Allgalgaduud News Desk
Nairobi, Kenya

Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com