London(AGGM) Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo Ganacsatada Soomaaliyeed ee koonfurta Suudaan ugu wareejinayeen Safaaradda Dowladda federaalka ay ku leedahay dalkaasi, Gaari nuuca raaxadda ah ee Land Kuruuser ayaa lagu qabtay xarunta Safaaradda ee Caasimada Jubba.
Xaflaadaasi lagu wareejinayay Gaarigaasi,islamarkaana loogu mahadcelinaayay Ganacsatadii ku deeqday Gaariga,islamarkaana ka qeybqaatay soo-dhaweyntii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud, waxaa kasoo qeybgalay xubnaha guddiga Ganacsatada ee SOBAS,waxgarad, kulanka Aqoonyahanada Aqoomaaliyeed iyo Haweenka ku nool Dalkaasi.
Guddomiyaha Guddiga Ganacsatada Soomaaliyeed ee koonfur Suudaan Xaaji Muuse Cali Basar oo ka hadlay xafladaasi waxa uu mahadnaq balaaran ujeediyay Ganacsatada iska xil saartay bixinta qarashka lagu soo iibiyay baabuurkaasi.
wuxuuna talaabadaasi ku tilmaamay Gudoomiyahu mid sumcad iyo sharaf usoo hoyneyso Jaaliyadda ku dhaqan koonfurta Suudaan.isagoo intaa raaciyay in Jaaliyadda guud ahaan, gaar ahaan Ganacsatada Soomaaliyeed ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin Safaaradooda.
Safiirka Safaaradda Soomaaliyeed ee koonfurta Suudaan isna hadal qiimi leh ka jeediyay xafladaasi waxuu amaan iyo boogaadin ujeediyay Ganacsatada Koonfurta Suudaan, wuxuuna caddeeyay iney jaaliyadda koonfurta Suudaan ay tusaale fiican u yihiin dhamaan jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibadda ku nool,
Waxa uu Intaa ku daray Danjirahu in wafdigii madaxweynaha ay ku muteysteen ammaan kadib markay muujiyeen wadan jaceyl, asluub iyo qadarin ay u hayaan madaxdooda.
Ambassador Cabdiraxmaan Diinaari wuxuu guud ahaan Ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan Ganacasatada Soomaaliyeed ee dibadda ku nool ugu Baaqay iney ku daydaan Ganacsatada Koonfurta Suudaan oo uu sheegay iney dhisteen Safaaradda, islamarkaasna ay wali taageero dhinac kasta ah la garab taagan yihiin.
Xoghayaha guud ee Guddiga Ganacsatada Mudane Cabdixakiin Macalin Axmed oo isna halkaa ka hadlay wuxuu warbixin ka bixiyay sida ay Ganacsatadu mar waliba diyaarka ugu yihiin iney saacidaan Safaaradooda,wuxuuna si gaar ahaan ugu mahadceliyay Ganacsatadii qeybta weyn ka qaadatay gacansiinta Safaaradda.
Xafladaasi oo lagu soo bandhigay Gaarigii Land kuruuserka ahaa waxaa guddomiyaha guddiga Ganacsatada uu furuhiisa ku wareejiyay Danjire Abdiraxmaan Nuur Maxamed (Diinaari).
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com