Kismaayo(AGGM) Magaalada Kismaayo ee xarunta jubadda hoose waxaa wali ka soo socda dhibaatada ay shacabka ku hayaan Jabhadda laga keenay Xaduudaha ka baxsan dalka Soomaaliya sida degaanada ay gumeystaan Kiiniya Iyo Kilinka 5-aad waxaana jabhadaasi dhibaato xoogan ku hayaan muwaadiininta Soomaaliyeed.
Jabhadda Raaskambooni waxay Magaalada Kismaayo la yimaadeen dhaqano aad xun xun oo ay ka soo barteen degaanadii laga keenay,waxaana ay bilaabeen inay dhacaan wax kasta oo ay is yiraahdaan naf buu leeyahay ha u yaraado Mobile ku,waxaana ay habeenkii xalay ahaa dhac iyo boob ka geysgteen dukaano ku yaala xaafadaha Guulwade & Via Afmadow.
Jabhadda Raaskambooni ayaa ku dadaaleysa sidii ay shacabka u dhashay gobollada Jubooyinka uga barakicin lahayeen guryahooda,iyagoo adeegsanaya dhaqamadii xun xumaa ee ay ka soo barteen meelaha ka baxsan dalka Soomaaliya ee laga soo waariday sida Gaarisa Gubaay Iyo Kilinka 5-aad.
Ciidamo ka tirsan Jabhadda Raaskambooni ayaa la sheegay inay dukaamo dad shacab ahi leeyihiin xalay ka qaateen dhamaan wixii agab yaalay sida Raashinka nooc kasta iyo wiixii lacago yaalay,waxaana ay ku amreen inaan mar dambe dukaamadaasi dib loo furin iyagoo ugu hanjabay hadii al furo inay dili doonaan cida ay ugu yimaadaan.
Ciidamadan ayaa la aaminsan yahay inay qayb ka yihiin kuwii dhawaan Isbatarooe Fartaag maryaha cas cas garbaha kaga xirayey,waxaana la sheegaya in ciidamadasi ay yihiin kuwo gaar ahaan ka soo jeeda Degaanada Dhamaajaale iyo Gaarisa Gubaay,waxaana ay ku kacayaan falal guracan.
Ugu dambeyntii Jabhadda Raaskambooni ayaa casri ka dhigtey dhaca iyo falalka amni daro ay ka geysanayan gudaha Kismayo iyagoo la soo baxay farsamadii Kooxda Alshabab ee ahaa inay qaraxyo ku dugaan magaalada kismaayo isla markaasna la beegsadaan ciidamada Siiraliyoon iyo dadka shacabka ah.
Iska Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com