Muqdisho (AGGM): Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha maamulka Galmudug
Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho.
Cabdi Qeybdiid oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in socdaalkiisa uu la xiriiro ka qeyb-galka shirka September 16 lagu wado inuu ka dhaco magaalada Brussels ee dalka Belgium.
Wuxuu sheegay inay jiraan xubno kale oo ka tirsan Galmudug oo ku sugan Muqdisho kuwaas oo ka mid noqon doona wafdigiisa u ambabaxi doona Brussels.
Wuxuu rajo ka muujiyay shirka oo uu sheegay in looga hadlayo arrimo muhiim u ah Soomaaliya.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com